Hargeysa (Geeska)- Waxaa in badan dhacda in ninku uu geeriyoodo muddo gaaban kadib marka ay xaaskiisu geeriyoodo, ama gabadhu aanay waqti badan nolosha kaga dambayn saygeeda. Dad badan ayaana arrinan la xidhiidhiya isku xidhnaanta nafsiga iyo maskaxda ah ee lammaanaha. Sida muuqata fikirkani ma’aha mid macno darro isaga yimid, balse waxaa jira cilmibaadhiso rasmi kala duwan oo u marag furaya.
Caadi ahaanba sida aynu wada garan karno, dadku waa ay u kala adkaysi badan yihiin shoogga jacaylku keeno eek u dhaca marka ay waayaan qof ay jecel yihiin, waxaana uu shooggaasi gaadhaa heer uu qofka geeri u horseedo waayo, qalbi jabka ayaa qofka laasimaya oo muddo marka uu hayo soo ridanaya. Laakiin haddana waa ay kala duwan tahay awoodda qalbiga ninka iyo gabadhu u leeyahay u adkaysiga dhibaatooynka?
Sida uu ku waramay degelka Focus ee dalka Jarmalku boqolkiiba 2.5 ka mid ah dadka qaba wadne xanuunku waxa ay xanuunka ka hor lahaayeen illaa imikana leeyihiin qalbi jab ay inta badan sababtiisu ahayd duruufo jacayl oo adag oo soo maray, sida wacad-fur qof uu jeclaa kaga yimid ama ficil kale oo u qaadan waa iyo shoog ku noqday. Qormadan uu Geeska Afrika turjumay waxa ay tilmaamaysaa in aalaaba laga bogsoodo xaaladdaas qalbi jabka ah, laakiin ay marar dhacdo in ay heer dilaa ah gaadho.
Tijaabooyin cilmiya oo arrintan lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday in ilbidhiqsiga u horreysa ee qofku uu la kulmo warka ama ficilka qalbi jabka ku keenaya uu laabtiisa ka dareemo xanuun badan, wadnaha oo garaaca kordhiyey iyo neefsiga oo ku adkaada, sababtuna waa dareenkan ku dhacay oo keenaya in ay soo ururaan xididdada iyo halbawlayaasha dhiiggu taasina keento in uu khalkhal ku dhaco dhiigga gaadhaya wadnaha. In kasta oo xaaladdan aynu ku tilmaami karno shoog jacayl oo qofka ku dhacay aanay keenin in ay yaraadaan xididdada dhiigga ee wadnuhu, haddana waxa ay khubaradu caddaynayaan in qiyaas ah boqolkiiba 5 dadka uu ku dhaco qalbi jabka ay ku keento dhimasho. Labada cilmi baadhe ee Nicholas Christakis iyo Felix Elferet oo ka tirsan jaamacadda Wisconsin Madison oo ka tirsan jaamacadda Maraykanka ayaa daraasad sagaal sannadood ay wadeen waxa ay ku ogaadeen in geerida ku timaadda qofka marka uu mataankiisa kale dhinto ay u badan tahay dadka waayeelka ah. iyaga oo xusay in ragga xaaskoodu geeriyooda ay celcelis ahaan boqolkiiba 18 khatar ugu jiraan in ay u dhintaan qalbi jabka ay ka qaadaan geeridaas. Laakiin waxa ay khubaradu sheegayaan in haddii xaaska ama sayga dhintay uu muddo dheer xanuun daran u jiifay ay hoos u dhacdo cabsida laga qabo in marka uu geeriyoodo mataankiisuna dhaqso uga soo daba xijaabto. Halka haddii sayga ama xaasku si kedis ah u geeriyooday, ay khatarta dhimashada mataankiisu aad kor ugu kacdo.
Labada cilmibaadhe ee Nicholas Christakis iyo Felix Elferet waxa ay baadhistoodan ku ogaadeen in naxdinta iyo murugada ku dhacda qofka uu mataankiisa noloshu geeriyoodo ay keento in jidhku uu soo daayo xaddi badan oo ah hormoonka Adrenaline iyo horoonnada bata xilliga uu qofku ku jiro xaaladda sakatiga iyo isku buuqa, taas oo ku keenta qalbi jab iyo niyad xumo badan oo nafsi ah.
Ugu dambayntii waxa ay khubaradu ku talinayaan in ninka ama gabadha uu xaaskiisa ama saygeedu dhinto si dhaqso ah loogu sameeyo daweyn nafsi ah iyo la talin lagu dabiibayo xaaladda nafsiga ah ee haysa laguna soo kabayo laguna soo celinayo caafimaadka nafsiga ah iyo xaaladaha ka dhalanaya dhibta heshay.