Hammaansiga Badani Waxa Uu Keeni Karaa Khataro Caafimaad Oo Wadne Xanuun Ka Mid Yahay

32
4269

Hargeysa (Geeska)- Hammaansiga badani waxa uu marmarka qaarkood noqdaa calaamad muujinaysa caafimaad darro in ay jirto. Dhakhaatiirtuna marmarka qaar waaba ay ku sii fogaadaan, oo waxa ay sheegaan in uu khatar noqon karo, iyo in uu xaaladaha qaar caafimaadka qofka khatar gelin karo. Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in qofka oo halkii daqiiqo hammaansada hal mar wax ka badan, ay macnaheedu noqon karto in ay jirto xaalad caafiamad darro oo aan fiicnayni.

Xaaladdan ayaa ay dhakhaatiirtu sheegeen in ay calaamad u noqon karto dareen celin dhinaca acsaabta ka imanaysa oo aan la garanayn sababteeda. Tusaale ahaan sida ay ku warrantay shabakadda WebTeb waxa ay xaaladdani ku xidhnaan kartaa dareenwadaha loo yaqaanno ‘Vagus nerve’ oo fidsan inta u dhexeysa maskaxda illaa caloosha, siina mara dhuunta.

Marka ay shaqada neerfahani korodho ayaa uu hammaansiguna kordhaa, waxa aanu ugu dambaynta keenaa khatarta ah in uu hoos u dhaco heerka garaaca wadnaha iyo cadaadiska dhiigga labaduba, sidaasna uu dhaawac khatar ah ku gaadhsiiyo wadnaha.

Marka laga tago hurdada iyo daalka oo sababa hammaansiga oo uu jidhku isku baraarujiyo, sababaha kale ee keena waxaa ka mid ah Khalkhal dhinaca hurdada ah oo jira, iyo dawooyinka qaar, gaar ahaan kuwa xaaladaha nafsiga ah ee qulubka iyo warwarku ka mid yihiin loo adeegsado oo qofka ku keena hammaansi badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here