Nin Xaaskiisii Iyo Laba Carruur Ah Oo Uu Dhalay Mar Qudha Wada Dilay

0
534

 

Picture5Hargeysa( Geeska )-Xaafada Boqol jire oo ah duleedka galbeed ee magaalada Hargeysa,waxa qudha kaga jaray laba caruuur ah oo uu dhalay iyo xaaskiisii oo uur leh nin magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Axmed oo isugna dhaawacyo xoogan isaga gaystay xubintiisa taranka.

Aabahan oo dhaawacyo xoogan isaguna dhankiisa isa soo gaadhsiiyay ayay wararku sheegayaan inuu habeen hore miray reerkiisa, isaga oo ugu horayntii bireeyay laba caruur ah oo uu dhalay kadibna xaaskiisii tooray la dhacay.

Waxaana ninkan oo wararka qaar ay sheegayaan in aanu maskaxda ka fayoobayn lagu dawaynayaa cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa. HaMaamulaha guud ee cibitaalka Hargeysa Axmed Daahir Aadan, ayaa saxaafadda u xaqijiyay maydka saddexda ruux iyo dhaawaca ninka falka gaystay.

Dhacdadan oo ah mid naxdin leh, ayaa shalay ilaa xalay si weyn looga hadal hayay goobaha ay bulshadu ku kulanto ee magaalada Hargeysa, waxaanay noqotay dhacdadii u horaysay ee nooceeda ah ee la arko.