Faarax Macalin Oo Waayay Kursigii Senatka Ee Degmada Gaarisa Ee Kenya

0
504

 

Picture4argeysa(Geeska)-Guddoomiye xigeenkii Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin Dawaare, ayaa ku guuldaraystay kursiga Senetka degmada Gaarisa ee dalka Kenya, waxaana taas bedelkeed ka guulaystay ninkii la tartamayay oo ah Yuusuf Xaaji, oo ah wasiirka gaashaandhiga Kenya.

Faarax Macalin, oo ka sharaxnaa xisbiga CORD, ee uu hoggaamiyo Raila Odinga, waxa ay doorashada si weyn ugu loolameen siyaasiga kale ee Yuusuf Xaaji, oo ahaa wasiirka gaashaandhiga kana sharaxnaa xisbiga kale ee Jubilee ee uu hoggaamiyo Mr. Uhuru Kenyatta, waxaana ugu dambayn kursigaas degmada Gaarisa ku guulaystay Yuusuf Xaaji. Hase yeeshe Faarax Macalin oo shirjaraa’id qabtay ayaa cambaareeyay natiijada doorashadaas, waxaanu sheegay in tirinta codadka doorashada ee degmadaas loo gacan geliyay dad uu sheegay inay isku beel ka soo jeedaan, isagoo sheegay in wax la is daba mariyay.

Hase yeeshe ninka ka guulaystay oo ah Yuusuf Xaaji, ayaa si kulul uga jawaabay eedaynta Faarax Macalin, waxaanu xildhibaan Yuusuf ugu faanay Faarax Macalin oo ay isku beel ka soo jeedaan inay reer Gaarisa isaga doorteen.

Siyaasiga Faarax Macalin, ayaa mudadii uu ahaa guddoomiye xigeenka Baarlamaanka Kenya wuxuu yeeshay saamayn siyaasadeed, wuxuuna dhawr goor safaro ku yimid magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.  Waxase ay isku dhaceen dalka Itoobiya iyo weliba dawladda Maraykanka oo iyadu u diiday inuu dalkeeda booqasho ku tago.