Ma Dhabaa Inay Dabayaaqada Bishan Kulmi Doonaan Madaxweyne Axmed-Silanyo Iyo Madaxweynaha Somaliya?

0
416

 

Picture6Hargeysa(Geeska)-Waxa soo baxaya warar sheegaya inay Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Md. Xasan Sheekh Maxamuud, dabayaaqadda bishan yeelan doonaan kulankoodii u horeeyay ee rasmi ah, kuwaas oo salka ku haya wada hadaladii labada dal u bilaabmay.

Warar soo baxaya oo uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu dhawaan safar ku tagi doono dalka Qatar oo uu Madaxweynaha Somaliya isna toddobaadkii hore booqasho ku tagay. Sidoo kalena  Madaxweynaha Somaliya ayaa isna toddobaadkan soo socda booqan doona dalka Imaaraadka Carabta, labadaas safar ka dibna waxay labada Madaxweyne sida uu warku sheegayo ku kulmi doonaan labadaas dal ee Qatar iyo Imaaraadka midkood. Madaxtooyada Somaliland oo aanu isku daynay inaanu warkan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin. Laakiin waxa la sheegay in kulanka labada madaxweyne uu la xidhiidho sii ambo qaadka wada hadaladii ay Somaliland la bilowday dawladii Sheekh Shariif. Waxaanu kulankoodu ka sii hormarayaa shirka uu Ingiriisku bisha May qabanayo, kaas oo ay wada guddoomin doonaan Madaxweynaha Somaliya iyo Raysalwasaaraha Ingiriisku.