Nin Talefishannada Ka Hadlay Oo Sheegtay Khabiir Siyaasadda Ku Xeeldheer Ayaa Masar Lagu Xidhay

0
520

Qaahira (Geeska)- Nin u dhashay dalka Masar oo magaciisa lagu soo koobay Axmed Xa ayaa maxkamad ku taalla dalka Masar ay isaga oo maqan ku xukuntay laba sano oo xadhig ah kadib markii uu sheegtay in uu aqoonta ka gaadhay darajada Doctorate isla markaana uu yahay khabiir ku xeeldheer arrimaha siyaasadda, horena u soo noqday masuul masuul dhinaca amniga ah.

Xog uu degelka Masraawi oo Geeska Afrika warkan ka soo xigtay faafiyey ayaa sheegaysa in baadhitaanno lagu sameeyey ninkan lagu xaqiiqsaday in uu ka hadlay qaar ka mid ah talefishannada dalka, isla markaana uu qoraallo cilmi ah ku faafiyey qaar ka mid ah wargeysyada isaga oo iska dhigaya aqoonyahankan, khabiirka ah, waxa kale oo uu ninkani sheegtay in uu leeyahay haayad lagu magacaabo, Golaha Carabeed ee Afrika oo caalamiya. Ninkani wararysiyadiisa qaar waxa uu sheegay in ururkan uu leeyahay jaamacado caalami ahi ay siiyeen shahaado sharafeedyo illaa heer PhD ah oo la siiyey shakhsiyaad ururka tabaruc fiican siiyey.

Baadhitaannada horudhaca ah ee ninkan lagu sameeyey ayaa muujinaya in uu ninkani dad muwaadiniin ah lacag kaga qaatay habab la xidhiidha xeeladihiisan khiyaamada ah. aakhikiina markii la soo qabtay waxaa guigiisa laga soo helay 13 Shahaado Sharafeedyo Doctorate ah oo been abuur ah, oo la sheegayo in ay jaamacado dibadda ahi bixiyeen.

Ninkan ayaa baadhitaannada ku qirtay in uu hawlahan gacanta kula jiray, waxa aanu suurto geliyey iin booliiska uu ku xidho qaar ka mid ah dadkii uu khiyaameeyey ee uu lacagta qaadhaanka ah ee badan ka qaatay. Ugu dambayntiina ninkan dacwaddiisa waxaa hadda gacanta ku haysa xeer-ilaalinta guud oo laga yaabo in ay maalmaha soo socda maxkamadda u gudbiso.