Nin Ku Tabarucay In Madaxa Laga Jaro Si Loo Tijaabiyo Suurtogalnimada In Madaxiisa Jidh Kale Lagu Rakibi Karo

0
699

1Glasgow (Geeska)- Valery Spiridonov oo u dhashay dalka Ruushka oo jidhkiisa oo dhan marka madaxa laga reebo uu bakhti yahay, ayaa  lagu wadaa in uu noqdo qofkii dunida ugu horreeyey ee loo sameeyo qalniin madaxa oo dhan lagaga beddelayo, kadib marka lagu sameeyo qalniin aad u kakan, oo aanay khubarada samaynaysaa illaa hadda saadaalin karin guul iyo guud darro midka uu u dhow yahay.

In kasta oo uu Valery Spiridnov rajaynayo in qalniinkani uu guulaysto oo madaxiisa bedka qaba loogu rakibo jidhka ruux dhimasho isu dhiibay oo ku tabarucay jidhkiisa, haddana waxaa wejigiisa laga dareemayaa cabsida uu ka qabo waxa uu noqon doono mustaqbalkiisa qofeed xitaa haddii uu qalniinku guulaysto.

Raadadka taban ee qalniinkani Nafsadda ku yeelan doono:

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Daily Mail ayaa sheegaya in Valery Spiridonov uu qabo cudur burburiyey xubnihiisa gebi ahaana jidhkiisa naafeeyey oo gaadhsiisan heer aanu xubin keliya oo jidhka ka mid ah dhaqaajin karin ama maamuli karin. Cudurkan oo dunida dhif ku ah, waxaa lagu magacaabo Werdnig-Hoffmann, waxa aanu si is-taraysa u keena taag-darro iyo hawlgab tallaabo tallaabo ah oo ku dhaca muruqyada aakhirkana ku dambeeya in uu jidhka oo dham wixii aan madaxa ahayni bakhtiyo.

Dr. Sergio Canavero oo ah dhakhtarka sannadka dambe ee 2017ka samayn doona qalniinkan aan abid noociisa dunida lagu samayn ayaa sheegay, in haddii uu qalniinku guulaysto oo fikirka cilmiga ah ee hadda ay ku socdaan noqdo mid ficil loo rogi karo, ay aad u caawin doonto dadka faaliggu ku dhaco iyo dadka uu naafoobo gebi ahaan jidhkoodu inta ka hoosaysa raqabaddu.

Valery Spiridonov oo 30 jir ah ayaa noqonaya ruuxii ugu horreeyey abid ee noloshiisa u hibeeya arrintan, isaga oo weliba og khatarta ka dhalan karta qalniinkan. Taas oo ay ugu yar tahay sida ay khubarada caafimaadku imikaba sheegeen in haddii qalniin noocan ahi guulaystaba, ay ka dhalan doonto xaalado nafsiya oo aan hadda la sii saadaalin karin, sidaa awgeed loo baahan yahay in haddii arrintani suurtogal noqoto, laga fikiro in sidoo kalana la sameeyo barnaamij dadka sidan Valery Spiridonov uu madaxoodu ku rakiban yahay jidh aanay abuur ahaan lahayn, lagu siinayo daweyn iyo tababarro nafsiya oo loogu diyaarinayo  la noolaashiyaha xaaladdan cusub, ka hor inta aan qalniinka la samayna loo sii sheego waxa dhici doona marka uu ka kaco.

Dr. Sergio Canavero  oo ah ninka leh fikirka qalniinkan yaabka leh ayaa mar uu jimcihii ina dhaafay warbaahinta kula hadlay kuliyadda boqortooyada ee dhakhaatiirta qalniinka ee xarunteedu tahay magaalada Glasgow ee xarunta Scotland waxa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxaa la diyaarinayaa waa qof bilaabaya nolol cusub oo uu ku noolaanayo jidh aan ahayn kii sii, oo aanu la soo qabsan. Laakiin waxa u suurtogeli doonta in cudurkii kadib mar labaad socdo”

Dhinaca kalana waxa uu digtoorku soo bandhigay mindi tiknoolajiyad ku shaqaynaysa oo uu sheegay in si gaar ah loogu sameeyey qalniinkan. Mindidani waxa ay ku shaqaynaysaa barnaamij kombiyuutar, waxa aanay jaraysa oo keliya hadba inta uu dhakhtarku u sheego in uu doonayo in uu jaro, si aanay meelo kale iyo waxyaabo aan loo baahnayn u jarin, dhaqaaqeeduna uu ku qiyaasan yahay cabbirka Micrometer oo ah mitirkii oo loo qaybiyey milyan meelood, taas macnaheeduna yahay in ay tahay mindi aad loo xakamayn karo, gaar ahaan marka la jarayo xangulaha iyada oo aan dhaawac u geysanayn neerfayaasha dib hadhow loo xidhiidhin doono marka madaxa lagu rakibayo jidhka cusub.

Qalniinkan ayaa tijaabadiisa uu dhakhtarkan oo kaashanaya dhakhaatiir u dhashay Shiinuhu waxa ay ku sameeyeen daanyeer ay madaxiisa jareen oo ku dhejiyeen qaybta hoose ee daanyeer kale, laakiin in kasta oo qalniinkaasi guulaystay isaga oo aan wax dhaawac ahi soo gaadhin maskaxda daanyeerka haddana daanyeerkii qalniinka kadib 20 saac ayaa uu dhintay,  maadaama oo aanay dhakhaatiirtu xidhiidhin neerfayaasha laf-dhabarta.

Saynisyahanno u badan Ingiriis ayaa qalniinkan si aad ah uga hor yimid iyaga oo u arka in akhlaaq ahaan aanu fiicnayn isla markaana damiirka qofku diidayo, guul laga gaadhaana adag tahay, waxa se’ jira rajo uu dhakhtarku ka qabo in marka uu guulaysto ay dad badani soo dalban doonaan.