Nin Hore Uga Tirsanaan Jiray Al-Qaacida Oo Imika Ah Khabiir Ka Tirsan Jaamacad Caan Ka Ah Maraykanka

0
533

1London (Geeska)- Sarkaal hore uga tirsanaan jiray ururka Al-Qaacida ayaa ay jaamacadda Maraykanka ee George Washington ay dhowaan siisay shaqo ah, ‘Khabiir ku xeeldheer amniga gudaha ee ee dalka Maraykanka’.

Ninkan oo lagu magacaabo Jesse Morton ayaa mar dalka Maraykanka ka qornaa in uu yahay argagaxiso ka tirsan Al-Qaacida, waxa aanu arrintaas darteed u galay xabsi saddex sano.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay degelka Internet ka uu ku leeyahay wargeyska New York Times ayaa sheegaya in ninkani uu markii dambe ka baxay dalka Maraykanka muddana ka tirsanaa ururka Al-Qaacida.

Jesse Morton oo Maraykan waxaa aakhirkii qabtay dalka Marooko oo u xidhay eedo argagaxiso, una dhiibay dalka Maraykanka. Waxa se markii dambe soo baxday in Jesse intii aanu Maraykanka ka tegin ee uu ku jiray xabsiga ay kulmeen saraakiisha FBI da oo kula heshiisyey in uu basaas u noqdo sirdoonka Maraykanka.

Morton hadda waxa uu la baxay Yuunas Cabdallah Muxammed, waxa aanu ku celceliyaa in uu aaduga xun yahay mar hab-dhaqankiisii hore ee Al-Qaacida aadna u qoomameeyo in uu ururkaas mar ka tirsanaa. Bishii ina dhaaftay ee Ogosto ayaa jaamacadda George Washington ay Morton u qaadatay in uu noqdo khabiir kala shaqeeya dhinaca daraasaadka amniga, xagjirka, iyo ururrada Islaamiga ah ee hubaysan. Waxa aanu sheegay in shaqadiisan cusub uu doonayo in uu ka dhigo hab uu ku saxayo waxa uu ugu yeedhay qaladaadkaas hore uga dhacay.