Afartan Sano Oo Ay Saaxiibbo Daacad Isu Ah Ahaayeen Kadib, Ayaa Waxaa Ku Dhacay Arrin Aanay Filayn

0
590

1Washington (Geeska)- Leon Swanson iyo David Tait oo dhalashadooda saddex habeen u dhexeysay waxa ay ku dhasheen cisbitaalka Norway House of Indian Hospital oo ku yaalla magaalada Manitoba oo ku taalla badhtamaha dalka Kanada.

Swanson ayaa dhashay 31kii Jeenaweri, halka Tait uu ka dhashay 3dii Feebarweri ee isla sannadkaas. Waxa ay ka dhasheen laba qoys oo muddo dheer isku deegaan ahaa, saaxiibbo aan la dhexgelin ayaana ay noqdeen. Laakiin tijaabooyin DNA ah oo soo baxay ayaa caddeeyey in Swanson mid labada hooyo iyo qoys ee ay ka tirsan yihiin is weydaarsan yihiin, oo Swanson hooyadii ay tahay tan korisay Tait ee ee uu hooyadii u yaqaanno, kan kalana sidaas oo kale.

Warbixin uu Geeska Afrika turjumay oo uu baahiyey wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska. Labadan nin oo si wada jir ah u qabtay shir jaraa’id oo ay kaga dhawaaqayeen masiibada dhacday 1975kii ayaa mid kastaa oohin hadalka si habsami ah u wadan kari la’aa, David Tait oo ilmada dirqi ku xejisanaya ayaa sheegay in uu si aad ah uga xun yahay aadna uga cadhaysan yahay in xaaladdoodani ay tahay tii labaad ee uu cisbitaalkan ay ku dhasheen ogaaday muddo sannad ka yar gudaheed. Isaga oo tix raacay dhacdo kale oo bishii Noofambar ee sannadkii hore ahayd, in sidan imika oo kale ay shaqaalaha cisbitaalku is weydaariyeen Luke Monias iyo Norman Barkman, labadan nin oo shan bilood oo keliya ka dambeeyey dhalashada Swanson iyo Tait ayaa iyagana mid kasta la siiyey qoyska kii ka kale. Isaga oo intaas ku daray in uu aad uga xun yahay in qoyskiisii iyo waalidkii Afartan sano uu ku abtirsanayey ee qoyskiisa ahaa uu aad yar ka wareego isaga oo u tegeya qoys cusub oo lagu sheegay kiisii runta ahaa. Waxa uu sheegay in aanu abidkii illaawi doonin waalidkaas iyo qoyskaas ku soo tabcay, laakiin haddana aanu ka xumayn in uu hadda yeeshay aabo iyo hooyo cusub oo ah kuwii dhabta ahaa.

Ninka kale oo isna arrintan ka hadlay ayaa sheegay in wax kasta oo dhacayba ay muhiimaddu imika tahay in uu isu arko nin laba qoys leh, qasabna ay tahay in labada qoys oo awalba derisnimo iyo saaxiibtinimada labadooda awgeed isugu soo dhowaaday ay sidii hore si ka adag isugu sii dhowaadaan, “Waxa aanu isla garannay in aanu qoys keliya ahaanno” ayaa hadalladiisa ka mid ahaa.

Arrintan ayaa aad uga cadhaysiisay guud ahaan dadka deegaankan iyo si gaar ah inta ku dhalatay ama cidi ugu dhalatay cisbitaalkan, waxa aanay dhacdadan dad badani u arkaan in ay tahay dembi mudan in ciqaab adag la mariyo dadka ku lug lahaa.

Sannadkii hore ayaa ay arrintan oo kale ka dhacday dalka Faransiiska, kadib markii la ogaaday in laba nin oo markaas 20 sano jirro ahaa dhakhtarku is weydaariyey, oo mid kasta tan kale hooyadeed la siiyey, arrintaas oo cadho badan abuurtay ayaa kalliftay in ay labadan nin maxkamadda dacwad ka furtaan, waxa aanay ku dhammaatay xukun ah in magdhow loo siiyo labadooda lacag u dhiganta 445 kun oo doolarka Maraykanka ah. Sannadkii 2013kiina nin da’diisu markaas 60 jir ahayd oo u dhashay dalka Jabbaan ayaa ogaaday in aabihiisa runta ahi uu yahay maalqabeen la yaqaanno oo dalka u dhashay.

Ninkan oo tan iyo dhalashadiisii ku soo jiray lixdan sano oo faqiirnimo aad u adag ah, maadaama oo la siiyey qoys faqiir ah ninka lagu beddelay ee aabahan maalqabeenka ahi soo koriyey ayaa isagu markan ahaa nin ganacsi si fiican u socda leh, kuna shaqaysta xirfadda macallinnimada gaarka ah ee inta badan lagu kabo ardayda jaamacadaha iyo waxbarashada sare ku jira.