Shirkii 4aad Ee Shaybaadhayaasha Somaliland Oo Qabsoomay Iyo Hoggaan Cusub Oo Lagu Doortay

0
524

Picture1Hargeysa(Geeska):-Shirweynahii 4-aad ee ururka shay-baadhistayaasha caafimaadka Somaliland ee SOMLA sida oo kalena lagu dooranayey hogaan cusub ayaa lagu qabtay hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Shirkan oo socday muddo laba cisho ah ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiir ku-xigeenka caafimaadka, masuuliyinta ugu sareeya ururka shay-baadhiistayaasha caafimaadka ee SOMLA, ergooyin ururkaasi ka mid ah  oo ka yimid gobalada iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Ugu horeyn waxa shirkaasi furey wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka Somaliland Marwo:Nimco Xusseen ayaa ku dheeraatay muhiimada uu leeyahay ururkani kor u qaadida iyo tayeynta Shaybaadka,waxaanay ku amaantay shirka ururkan SOMLA .“shirku waa muhiim inay Bulshadeena wixii xirfadlayaal ahi Ururo isku sameeyaan, markaa runtii aadbaan ugu mahad celinayaa, waxa kale oo loo baahan yahay aqoonta Caafimaadka waa wax malin walba is badala isku xidhnaanta Ururku waxa kale oo ay faa’iido u leedahay in lala socdo oo laga war hayo isbadalka Caafimaadka ee dunida ka dhacaya, waxaynu u haahan nahay inuu shaybaadhkeenu noqdo mi tayo leh,waana uu idiin furan yahay” Ayey tidhi Marwo:Nimco Xuseen Qawdhan

Waxaa intaas ka dib ujeedada shirka iyo qodobada lagaga hadli doono faah faahin ka bixiyey agaasimaha ururka SOMLA Md:Muxiyadiin Axmed Jibriil, waxaana uu yidhi:“Shirwaynahani waa kii 4-aad ee ururka mudo 2-cisho ah ayuu socon doonaa, mudadaasi waxa lagu falan qayn doonaa wixii u soo qabsoomay mudadii uu jiray iyo qorshaha sanadaha soo socda ujeedada iyo hiigsiga ururka waxa intaa raaci doona oo aanu ugu talo galnay xubnaha gobolada ka yimid tobabar shan cisho socon doona oo aanu raacin doono, wasaarada caafimaadkana aanu war galinay oo ay nagula socoto, shirkani wuxuu noqon doonaa mid aanu ku dooran doono hogaan iyo habsami u socodkiisa”.

Gudoomiyaha Ururka Md:Khadar Ibraahin Axmed oo khudbad ka jeediyey furitaankii shirkaasi ayaa ka waramay mudadii uu ururka SOMLA jiray iyo waxyaabaha u qabsoomay“Waxay ahayd laba sano ka hor markii xilka na loo dhiibay, mudadaasina waxbadani way noo qabsoomeen, waxyaabaha ugu waaweyn waxa ka mid ah qalabaynta xafiis dhamaystiran shaqaale mushahar qaatay, qaabdhismeedka ururka oo dhan, qorshaha shanta sano iyo Tobabarada shaqaalaha shaybaadka, halkan waxaynu ugu talo galnay laba hawlood oo isa saaran, ta hore waa doorkii 4-4-aad ee shirwaynaha ururka shaybaadhiistayaasha iyo tobabar aanu ugu talo galnay xubnaha gobolada ka yimid oo sabtida bilaabmi doona marka uu kani dhamaado” ayuu yidhi Khadar Ibraahin

Dhinaca kale intii uu shirkaasi Socday ee Labada maalmood ahayd ayaa waxaa lagu lafa guray oo  laga dooday xeerarka iyo qawaaniinta ururka oo wax ka badal iyo kaabisba lagu sameeyey, ugu horayn Shirkan ayaa waxaa lagu Doortay 12-xubnood oo noqon doonta gudida fulinta ururka SOMLA ee 2-sano ee soo socota, xubnahan ayaa ka kala yimid gobolada dalka.

Gudidaasi ayaa waxaa iyaguna ay iska dhex doorteen guddoomiyaha ururka SOMLA oo loo doortay Md:Khaddar Ibraahin Maxamed  oo horena u soo ahaa gudoomiyaha xilku ka dhamaaday ayaa mar labaad lagu cumaamaday, sidoo kale waxaa isna gudoomiye ku xigeen loo doortay Cali Axmed Cali oo ay ugu dambayntii cod ku meel mariyeen dhamaan ergada Kasoo qayb gashay Shirkaasi.

Gabo gabadii waxaa hadalo dhiiri galin iyo mahadnaq ah isugu jira ka jeediyey gudoomiyaha dalada SONYO Md:Mubaarik Ismaaciil Taani oo ka mid ahaa gudidii madaxa banaanayd ee doorashada, oo u hambalyeeyey sida xilkasnimada leh ee ay xubnaha Ururka SOMLA u soo doorteen hogaankooda.

Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Somliland Dr. Cismaan Xuseen oo soo xidhay shirkan socday labada maalmood , ayaa waxa uu ugu horayn u mahad celiyey dhamaan xubnaha ururka SOMLA iyo ururada kale ee dhanka caafimaadka kala shaqeeya ayaa waxa uu yidhi: “waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan xubnihi iyo Hogaanka Ururka ee halkan lagu doortay  oo aan leeyahay wada shaqeeya, waxaanan idiin soo jeedinayaan inaad kobcisaan oo aad wax wayn ka qabataan shaybaadhka idinka oo la kaashanaya Wasaarada Caafimaadka oo idinkala shaqayn doonta”waxaa kale oo uu yidhi isaga oo hadalkiisa sii wata”waxana filayaa ururkan somla in uu yahay kii nagala shaqayn lahaa sidii caafimaadka iyo baadhitaanka wada jaarka lala tago oo lacago badan ay ku baxdo, dadkana ay taasi u fududaan doonto”ayuu yidhi Dr:Cismaan Xuseen.