Nin Baa Aqalkiisii Gubay Si Uu U Dilo Jiir

0
1672

W/Q: Cabdiraxmaan Cadami

Nin muruq maal ah oo u dhashay dal ka mid ah dalalka reer yurub ayaa Baan ka qaatay lacag dayn ah si uu ugu iibsado guri uu ku noolaado marka uu gaadho da’da hawl-gabka. Sannado badan, tacab iyo daal badan kadib waxa la gaadhay wakhtigii uu sugayay in uu shaqada ka nasto islamarkaana waxa ka dhamaaday dayntii iyo lacago dul saar ah oo uu bixinaayay muddo afartan sannadood iyo dheeraad ah. Haddaba habeen habeenada ka mid ah wuxuu ka seexan kari waayay soc-socodka iyo sanqadha badan ee jiir wayn oo qolka hurdada soo galay. Markii uu u adkaysan waayay wuxuu ku tashaday in uu jiirka iska dilo si uu u bogto hurdada, hase ahaatee qolka waxa ka buuxa alaabo tiro badan sida sariiro, kabadh wayn, miis iyo kuraasi, shandado iyo agab kale sidaa daraadeed way adagtahay inuu jiirka meel bannaan ka helo si uu nabar dila ugu dhufan karo. In kasta oo uu habeenkii oo dhan dagaal kula jiray haddana kuma uu guulaysan inuu jiirkii dilo. Cadhadii, hurdo la’aantii iyo madax xanuunkii uu ka qaaday jiirka wuxuu go’aansaday inuu guriga ku gubo ileen habeen danbe iyo kuwa ka sii danbeeyaba laga seexan kari maayee, wuxuu se ku miyir saday holaca dabka oo gurigii oo dhan wada gaadhay iyo danbaska hantidii hoos taalay. Waa tacab khasaaray oo aanu ka soo kaban Karin waayo xoog dambe oo uu ku shaqo tago kuma hadhin. Haddaba sidaas oo kale waxa ka dhigan rag reer Somaliland ah oo dib u xorayntii dalka u soo dhaawacmay, u soo dhibaatooday.ku caydhoobay, xubno qoysaskooda iyo qaraabadooda ah ku waayay oo haddana mar kale si naf hurid ah uga qayb qaatay dib u dhiskii qaranka iyo dawladnimada oo maanta ku taamaya, bulshadana ku guubaabinaya burburinta qarannimada iyo jiritaanka jamhuuriyadda Somaliland. Dadkan sida guracan u fikiray kaliya waxa ku fogaaday ama madax maray nacaybka iyo cuqdadda ay ka qabaan xukuumadda iyo maamulka madaxweyne muuse biixi. Buuq badan iyo iska horimaaddo yaryar kadib markii ay u suurto gali wayday sharci ahaan doorashadii madaxweynaha xilka haya lagu baddeli lahaa waxay go’aansadeen inay dalka gubaan/burburiyaan muuse biixi awgii.

Ninka weeranow ama waalanow dalku Muuse Biixi maaha ee qof  buu ka yahay Somaliland, xafiiskana wuu ka tagi doonaa maalin ay noqotaba sida kuwii ka horreeyayba uga tageen laakiin Somaliland way jiri doontaa.

Ugu danbayn, xisbiyada mucaaradka ah waxaan u soo jeedinayaa inay iska fogeeyaan oo aanay ka aamusin hadalada nacaybka iyo fitnada xambaarsan (Hate Speeches) iyo ficillada qaar ka mid ah taageerayaashooda ee ka dhanka ah jamhuuriyadda Somaliland.

Cabdiraxmaan Cadami

Email:abdirahmancaddami33@yahoo.com