Maxaa Lagu Gartaa Siyaasiga Darajada Labaad Ama Saddexaad?

0
1288

Cabdiraxmaan  Cadami

Siyaasada hibo uma laha, hankiisuna kuma jirto siyaasada in uu meeqaam sare ka gaadho, haseyeeshee waxa ku soo dhex tuurtay beesha uu ka soo jeedo ama mid ka mid ah Xisbiyada Qaranka ama madaxwaynaha JSL ayaa isaga oo aan ka fiirsan mansab siyaasi ah u magacaabay. Siyaasiga darajada labaad ama seddexaad (second or third politicians) waxa kale oo lagu gartaa ma laha aragti siyaasadeed oo hagta ama uu umadda ku hagi karo . Xusbi kuma nagaado ee maalinba mid hor leh ayuu ku biira. Haddii uu mucaarid yahay mucaaridada wuxuu u yaqaana in mushruuc kasta oo xukuumadu wadato la diido ama laga horyimaado xattaa haddii uu yahay mid faaiido u leh dalka. Marka uu hadlayo ma abaaro arrimaha muhiimka ah (issues) ee bulshadu tabayso balse wuxuu weeraraa shakhsiyada masuuliyiinta xukuumada. Wuxuu sheegaa dhaliilaha maamulka iyo dhibaatooyinka jira xalkoodse ma sheegi karo.marka laga hadlayo masiirka JSL wuxuu adeegsadaa weedho dhaawacaya jiritaanka iyo madax banaanida isaga oo aan u jeedin qarankaaga wax u dhin. Haddii uu muxaafid yahay ama masuul dawladeed wuxuu ku dedaala sidii uu u raali galin laha madaxda ka saraysa halkii uu ka raali galin laha bulshadii in uu u adeego loo igmaday. Aqoon darrada ama khibrad yarida shaqadiisa wuxuu ku qariya muxaafidnimo ka badbadisa ah . Niyada kama degana wuxuu ka baqaya in lagu bedelo qof kaga haboon mansabka. Wasaarada ama Hayada uu joogo waxba kuma soo kordhiyo  oo hal abuur ma laha waxa kale oo lagu garta marka xilka laga qaado maalmo yar ka dib wuxuu noqda mucaarid fog inkasta oo uu shalay aha muxaafid xagjir ah. Si kastaba ha ahaate dadwaynaha dhinacooda waxa looga baahan yahay in ay wax ka bartaan wakhtiga iyo waayihii soo maray oo ay doortaan dad u heelan in ay si daacad ah ugu adeegaan. Dhinaca madaxwaynaha iyo magacaabista masuuliyeenta Qaranka: “Hogaamiyaha fiicani waa ka adeegsan kara maskaxaha fiican”, John F. Kennedy. Odhaah kale ayaa iyana tidhaahda: guusha  iyo guul darrada hogaamiye kasta waxa jaan gooya hadba team-ka ku xeeran, sidadaraadeed madaxwaynaha isaga waxa looga baahan yahay mar kasta in soo xusho rag iyo dumar karta badan oo aqoon u leh hawlaha loo igmaday oo kaa caawiya taabo galinta siyaasada xukuumada iyo hirgalinta barnaamijyada lagu horumarinayo dalka.

Cabdiraxmaan  Cadami

Abdirahmanadami33@yahoo.com