Xildhibaan Kerry McCarthy & Xildhibaan Indho Indho iyo Xildhibaan Hibaaq oo yeeshay kulan  Muhiim Ah.

0
1380

Bristol (Geeska) – Danjiraha Ganacsiga iyo maalgashiga Caalamka u qaabilsan Golaha Deegaanka ee  Magaalada Bristol Xildhibaan Hibaaq Cabdi Jaamac ayaa soo qaban qaabisay Kulan Dhexmaray Xildhibaan  Cabdiqaadir Maxamed Xasan indho indho iyo Xildhibaan Kerry McCarthy MP oo laga doortay Magaalada Bristol.

Kulankan oo qaatay muddo saacad ah ayaa ka qabsoomay Xarunta Dawladda hoose ee Bristol, waxaana lagaga wada hadlay Qadiyadda Madaxbanaanida Somaliland iyo sidii Loo icitiraafi lahaa Taasoo ay Xildhibaan kerry McCarthy ay tahay Xildhibaanadii samaysay Gudida Xildhibaanda Baarlamaanka ee Saaxiibada Somaliland.

Xildhibaan indho indho ayaa warbixin ka siiyey xildhibaanad Kerry Xaaladda Somaliland iyo horumarka ka socda iyo baahida Somaliland u qabto in la icitiraafo.

Xildhibaan indho indho ayaa u mahadnaqay Xildhibaanada Baarlamaanka ingiriiska ee Taageera Qadiyadda Madax banaanida Somaliland.

Xildhibaan Hibaaq Cabdi Jaamac ayaa ugu mahadnaqday Xildhibaan kerry McCarthy oo isku Magaalo laga doorto dadaalka ay galisay Qadiyadda Madaxbanaanida Somaliland iyo xidhiidhka Saaxiibtinimo ee Soo jireenka ah ee ka dhexeysa Somaliland Iyo boqortooyada Ingiriiska.

Xildhibaan Hibaaq Cabdi Jaamac waxay sheegtay in Somaliland ku sii dhawaanayso in la ictiraafo duniduna ay bulshada Dedaalkooda Abaalmariso.

Kulankan ayaa si deyn u soo dhaweeyey Jaaliyadda Somaliland ee UK Mucaarid iyo Muxaafid waxa ay soo dhaweeyeen kulankan lagaga hadlayay  Qaranimada Somaliland.

 

Geeska.net/Hargeisa Office