Ruushka Iyo Ukraine: Jawaabaha Su’aalo Soo Dhoweynaya Fahamka Sababta Xiisadda Ka Dhex Aloosan

0
1093

Kamaal Marjaan

Qadiyadda maanta dunida loogu hadal hayn badanyahay waa xiisada colaadeed ee ka aloosan dalka Ukraine. Reer galbeedku waxa ay u arkaan in ilbidhiqsi kasta la filankaro Ruushka oo Ukraine qabsada. In kasta oo ciidamo 120 kun gaadhaya iyo qalabkoodii oo 12 kun oo dabaabadood ka mid yihiin uu Ruushku saddex jiho ka dhigay dalka Ukraine, haddana waxa uu ku doodayaa in aanu qabsan doonin. Qormadan waxa aynu ku eegi doonnaa su’aalo laga yaabo in ay dad badani iska weydiinayaan xaaladdaas.

Ukraine Waa Dal Noocee Ah?

Ukraine oo ku taalla bariga Yurub waa dalka labaad ee ugu dhul ballaadhan qaaraddaas, waxa ay xuduud dhinaca bari iyo woqooyi-bari kala leedahay Ruushka. Jihooyinka kalana waxaa kala deris ah dalal ay ka mid yihiin Belarus oo Ruushka la xulafo ah iyo dalalka Poland iyo Slovakia iyo kuwo kale.

Ukraine dhaqaalaheedu ma buurna, sahamin sannadkii 2018 lagu sameeyey haynta

muwaadiniinteedana waxaa lagu ogaaday in hantida uu muwaadinku celcelis ahaan haystaa ay tahay 40 doolar oo keliya, taas oo ka dhigaysay mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan dunida.  Si kastaba ha ahaato ee marka dhinacyada kale laga eego xaalkeedu sidaas uma liito, shaqa la’aantu waa boqolkiiba 4.5, boqolkiiba 15 dadkeeda ahina waa dabaqadda dhexe, dhaqaale ahaan.

Dalku waa beeraley, waxa aanu ka mid yahay dalalka adduunka ee badarka ugu badan dibadda u dhoofiya, sida oo kale waxa uu hodan ku yahay macdano kala duwan oo qaarkood dunida dhif ku yhiin. Waxaa ka mid ah dhuxul dhagaxda, naxaasta, gaasta dabiiciga ah, saliidda, Salfarka, Meerkariga iyo macdano kale.

Muhiimaddiisa juqraafi iyo dadka dalka oo ay ku badantahay cadaawadda Ruushku, gaar ahaan goballada galbeedka xiga ayaa ay Maraykanka iyo Yurub u arkaan in ay tahay fursad ay xulafo kula noqon karaan, si ay ugu dhowaadaan xuduudda Ruushka, taas oo khatar ammaanka ah iyo culays dhaqaale ku keenaysa Ruushka.

Waxaa jira qorshe la doonayo waqtiga fog in Ukraine ay ka mid noqoto dalalka Midowga Yurub, sida oo kale waxaa meel fiican maraya dadaal ay kaga mid noqonayso gaashaanbuurta NATO. Waxa se intaas ka horba jira heshiisyo dhinaca ammaanka ah oo ay la gashay reer galbeedka, iyada oo la filayo in ay NATO doonayso in ay gantaalaheeda difaaca ku rakibto dalkaas.

Arrimahan marnaba Ruushku ma aqbali karo, waana sababta ugu weyn ee xaaladda hadda abuurtay. Sida muuqata Ruushku waxa uu qorshaystay in uu soo dedejiyo dhibaato uu hubo in ay kaga soo socoto dhinaca Ukraine. Sidaas awgeed waxa uu diyaar u yahay in uu qabsado Ukrain ama in uu saaro culays sabab u noqda in reer galbeedku ay kala heshiiyaan ficilladooda bariga Yurub ee dareenka ku haya Vlademir Putin. Ruushku waxa uu ku celcelinayaa in aanu niyadda ku haynin in uu qabsado dalka Ukraine. Madaxweynaha Maraykanku isagu warkaas ma rumaysan, waxa aanu dhowaan hoos u faafiyey xogo sirdoon oo sheegaya in Ruushku qorsheeyey in uu qabsado Ukraine. Xogahaas waxaa u dambaysay mid ku andacoonaysay in Ruushku uu dalka Ukrain geli doono arbacadii la soo dhaafay ee 16 kii Febaruary. Laakiin madaxweynaha Ukraine oo qiray in khatarta Ruushku ay jirto, ayaa haddana ku doodaya in dalalka reer galbeedku ay sii buunbuuninayaan arrinta ah in Ruushku qabsanayo Ukraine.

Hore Maxaa Uga Dhexeeyey Ukraine Iyo Ruushka?

Bishii Maarso 2014 kii gobalka Donbas ee Koonfurta Bari ee Ukraine waxaa ka dhacay dagaallo iyo kacdoonno siyaasadeed oo u dhexeeyey, dad la socda siyaasadaha Ruushka iyo kuwa doonaya Ukraine oo wada dega gobalka. qalalaasahan oo qayb ka ahaa kacdoonno bariga Ukraine oo dhan ku faafay oo u dhexeeyey isla labadan dhinac, waa kuwii horseeday in Ruushku ugu dambayntii uu xoog ku goosto gobalkii Crimea ee dalka Ukraine ka tirsanaan jiray, kuna daro dalkiisa. Midowga Yurub ayaa abaabul iyo dadaal weyn u galay xakamaynta colaadahaas oo ahaa dagaal dadban oo u dhexeeya Ukraine iyo Ruushka oo doonayey in uu goballadan ka dhigto jid uu galaangal uga helo gacan ku yeelashada Arrimaha ammaanka iyo siyaasadda Arrimaha dibadda Ukraine si uu u rabsho isu soo dhowaanshiyaha ay la samaynayso Midowga Yurub, NATO iyo guud ahaan reer galbeedka.

Ugu dambayntii waxaa xaaladdaas dejiyey heshiis saddex geesood ahaa oo sannadkii 2014 ay kala saxeexdeen Ruushka, Ukraine iyo guddida ammaanka iyo iskaashiga Yurub oo dhexdhexaadinayey, waxaana dadaalladaas riixayey hoggaamiyeyaasha Faransiiska iyo Jarmalka.

Heshiiskaas oo loogu magacdaray magaalada uu ka dhacay ee Minsk oo ah caasimadda Belarus, kuma uu guulaysan in uu colaaddiis Donbas joojiyo. Sidaas awgeed wadahadalladii waa ay sii socdeen illaa mar kale la gaadhay heshiiskii la baxay Minsk Laba oo Feebarweri 2015 la saxeexay. Heshiiskan qudhiisuna dhibaatadii taagnayd ma’ uu soo afjarin.

Haddaba dhimbiisha koowaad ee colaaddani waxa ay ka qaraxday fasiraadda heshiiska oo Moosko iyo Kiyeef ay mid kastaa u fasiratay sida ay u arkaysay danteeda, taas oo sabab u noqotay in heshiiskii lagu naanayso, ‘Hal xidhaalihii Minsk’.

Ukraine waxa ay xiisaysay in ay heshiiskaas ka dhigato qalab ay u adeegsato sidii ay gacanteeda si buuxda dib ugu soo celin lahayd goballada gooni goosadka ah ee bariga, Ruushku waxa uu u fasirtay in heshiiskaasi uu maamul hoosaad awood badan siinayo goballadaas, gaar ahaan Donbas, isla markaana uu dawladda Ukraine ku qasbayo in ay maamul-gobaleedkan saami weyn ka siiso awoodda dawladda dhexe. Ruushku waxa uu arkayey haddii taasi guulaysato in ay u suurtageli doonto in uu saamayn ku yeesho siyaasadda Arrimaha dibadda ee Ukraine isaga oo sii dhexmaraya maamul gobaleedkan ay hoos xulafada ka yihiin.

Waxa taas ka sii muhiimsan in Moosko ay heshiiskan u arkaysay in uu u dammaanad qaadayo in ay hesho dalabaadkeeda dhinaca ammaanka oo ay ugu horreyso, in aan Ukraine weligeedna loo ogolaan doonin in ay ku biirto NATO, arrintaas oo Washington iyo maamulka sare ee NATO labaduba diidanyihiin.

Ukraine iyaduna heshiiskan dhaqangalkiisa waxa ay u arkaysay fursad ay dib ugu soo ceshankarto gacan ku haynta xuduudka ay la leedahay Ruushka, kuna soo afjari karo khatarta kaga soo fool leh Moosko, si kataba ha ahaato ee xiisaha ay heshiiskaas u qabtay waxaa ka weynaaday xaqiiqada ka dhalatay ee ah in uu Ruushka u noqon karo gacan uu ku farageliyo go’aamadeeda siyaasiga ah iyo xidhiidhadeeda arrimaah dibadda, sidaas awgeed in ay aqbashaa waa ay ku adagtahay. Waxa kale oo uu dawladda Ukraine culays ka haystaa muwaadiniinteeda goballada galbeedka oo Ruushka u arka cadow, kuna qasbaya in ay xidhiidh dhow la yeelato reer galbeedka.

Heshiiska Minsk Laba, waxa uu jidka u xaadhayaa in Ruushka iyo Ukraine wixii khilaaf soo dhexgala ay wadahadal ku dhammaystaan, Faransiiskuna kaalin dhexdhexaadin ah ka qaato, waana sababtii uu madaxweynaha Faransiisku u tegey Ruushka si uu u qanciyo madaxweynaha Ruushka, isaga oo isu arkayey in uu sababta heshiiskaa ku abuuri karo nabad. In kasta oo uu dhinaca kalana doonayey in uu isu dhigo guurti ammaanka dunida saamayn ku leh, si ay kor ugu kacdo rejada guushiisa doorashooyinka madaxtooyada ee dalkiisa ku soo fool leh.

Maxaa ay Reer Galbeedku Ka Rabaan Ruushka?

¨ In uu dib u raro ciidamadiisa uu soo dhoobay xuduudka Ukraine.

¨ In uu joojiyo waxa ay reer galbeedku ku sheegeen hadidaadda uu ku hayo xasiloonida Ukraine.

Maxaa ay Ukraine Ka Rabtaa Ruushka?

¨ Goballada Bariga Ukraine ee saaran xuduudka Ruushku waxa ay doonayaan in ay ka go’aan Ukraine oo ay la midoobaan Ruushka.

¨ Goballada galbeedka Ukrain iyaguna waxa ay doonayaan in Ukraine oo midaysani ay noqoto dal madaxbannaan, kuna biirto midowga Yurub iyo isbahaysiga NATO, iyo in ay ka takhalusaan raadka iyo saamaynta Ruushku ku leeyahay dalkooda.

¨ Xukuumada Ukraine waxa ay doonaysaa in Ruushku faraha ka qaado, isla makraana ya ku biirto NATO.

Muxuu Ruushku ka rabaa Ukraine?

¨ Waxa u ku dheggenyahay qodobbada heshiiskii Minsk ee uu u arko in ay Ukraine ku qasbayaan in ay wax ka beddel ku sameeyo dastuurka oo ay ku soo darto qodobbo dhigaya in dawladdu ay tahay Federaal, si ay awood u helaan goballada gooni goosadka doonayaa.

¨ Waxa uu ku doodayaa in qodobbada heshiiskaas Minsk ee Ruushka faray in uu ciidamadiisa kala baxo Ukraine, ay sida oo kalana qasbayaan in dhammaan ciidamada shisheeyuhu ka baxaan ama aanay soo gelin Ukraine.

¨ Ruushku isaga oo cuskanaya isla qodobbadaas aynu soo xusnay, waxa uu ku doodayaa in Ukraine ay qasab ku tahay in ay laasho dhammaan heshiisyada iskaashi ee ay la gashay NATO, Iyo in ay ka takhalusto ifafaale kasta oo muujinaya in xitaa mustaqbalka ay niyeynayso in ay xubin ka noqoto Gaashaanbuurta NATO. Taas oo uu Ruushku kaga hortegeyo in NATO ay gantaalaheeda difaaca Yurub ku rakibto meel ku dhow xuduudka Ruushka.

Dalal Badan Oo Bariga Yurub Ee Ruushka Ku Dhow Ah Ayaa Ay NATO Degtay, Waa Maxay Sababta Uu Ruushku Gaar Ugu Eegtay Ukraine?

Ukrain waxa ay ahaan jirtay xubin muhiim ah oo ay Ruushka ku wada jireen dawladdii midowga Soofiyeti. Waxa ay ahayd xarunta ay yaallaan saddex meelood meel ka mid ah hubkii nukliyeerka ah ee Midowgii Soofiyeti. Waxa ay ahayd cudud muhiim ah oo ka tirsanayd gaashaan buurtii WARSAW ee ay ku bahoobeen Midowgii Soofiyeti iyo dalalkii bariga Yurub ee la siyaasadda ahaa. sidao o kale waa dawladdii labaad ee dhul ahaan ugu baaxadda weynayd dalalkii ku midoobey Midowga Soofiyeti. Waxaa ka weynaa oo keliya Raashiya. Maadaama oo ay leedahay istaraatijiyad milateri iyo dhaqaale, waxa ay muhiim u tahay horumarka Ruushka iyo dadaalka uu doonayo in uu mar labaad ku soo noqdo masraxa quwadaha adduunka ugu waaweyn. Sidaas awgeed ma ogolaan karo in kambalkiisa ay fadhido cududda reer galbeedku.

Maxay ku dhammaan kartaa?

Waxa ay u eegtay in ugu dambaynta meel dhexe la isugu iman doono, taas oo ah in Ruushka la siiyo dammaanado aanu madow ku jirin oo la xidhiidha ammaankiisa. Waxaa ka mid ah in NATO ay Ruushka ku qanciso is ballaadhinta ay ka waddo Bariga Yurub, iyo in Ukraine laga hor istaago in ay ku biirto NATO, taas beddelkeedana la siiyo dammaanad ah in Ruushku aanu soo faragelin karin.