Natiijada Shirkii Uu Madaxweyne-Xigeenku Ugu Baaqay Guddiga Fulinta KULMIYE Iyo Qodobada Ay Go’aansadeen Inay Madaxweynaha Hordhigaan

0
559

Picture7Hargeysa(Geeska)-Xubno ka tirsan guddiga fulinta KULMIYE, golaha wasiirada qaarkood iyo madaxweyne xigeenka Somaliland ayaa shalay kulan ku yeeshay guriga madaxweyne xigeenka ka dib markii uu habeen hore isugu yeedhay shir deg deg ah oo la xidhiidha arrimaha xisbiga KULMIYE.

Shirkaas oo uu cambaareeyay guddoomiye xigeenka xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, waxa la sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo shalay gelinkii hore isku dayay inuu baajiyo qabsoomidiisa si aanay xaaladda xisbigu u sii kululaan, waxaanu u diray xubno wasiiro ah oo uu ka codsaday inay uga geeyaan inaanay shirkaas qabanin, laakiin kooxda abaabulaysay ayaan dheg u dhigin dhawaaqaas madaxweynaha uga tagay, waxaana sida ay ilo xogogaali sheegeen shirka ka dhacay guriga madaxweyne xigeenka ka qayb galay inta badan xubnaha ka soo horjeeda guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxaana ragga goob jooga ahaa ka mid ahaa Wasiirka maaliyadda, wasiirka xanaanada xoolaha,  guddoomiye xigeenka 3aad ee KULMIYEiyo xubno kale oo ka tirsan guddiga fulinta xisbiga, hoggaanka xisbiga qaarkood. Sida ay xogahaasi tibaaxeen  kulankaas waxa lagaga wada hadlay xaaladda uu xisbigu ku suganyahay, iyagoo xubnaha qaarkood halkaas ka sheegay in guddoomiye Muuse Biixi Cabdi uu maroorsaday awoodii xisbiga iyo tii shirweynaha, sidaas daraadeedna ay haboontahay inay go’aan qaataan.  Waxa kale oo xubno shirka fadhiyay ay soo jeediyeen in la wargeliyo Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo oo ah odayga xisbiga, loona diro xubno uga soo warama xaaladda shirkooda sababta u ahayd.

Ugu dambayn sida wararka uu Geeska Afrika helay ay sheegayaan waxa la kala doortay laba qodob oo kala ah inay go’aan ka gaadhaan arrimaha xisbiga iyo inay koox u diraan Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaana la isla gartay in Madaxweyne Siilaanyo war loo diro si aan dhinacooda loogu arag inay deg degayaan islamarkaana aanay ka shaqaynayn wanaaga xisbiga. Waxaana xalay Madaxweyne siilaanyo loo diray ilaa lix xubnood oo ay ka mid yihiin wasiirada maaliyada, xanaanada xoolaha, guddoomiye xigeenka 3aad ee xisbiga, iyo xubno ka tirsan guddiga fulinta. Xubnahaas ayaa qaaday farriin ah in guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ka baxay go’aankii lagu gaadhay guriga guddoomiyaha guurtida oo ay sheegeen inuu dhigayay inaan waxba laga bedelin guddiga fulinta iyo hoggaanka xisbigaba, sidaas daraadeedna ay iyaguna dhinacooda ka baxayaan qodobadii kale ee ay ka mid ahaayeen inaan Muuse Biixi lagula tartamin guddoomiyenimada xisbiga.

Hase yeeshe sida uu warku sheegay kulankaas ay xalay Madaxweynaah ugu tageen ayaa baaqday ka dib markii uu Madaxweyne Silaanyo ku mashquulay shir kale oo uu la lahaa guddiga nabadgelyada qaranka, waxaana la filayaa inay maanta la kulmaan.

Si kastaba ha ahaate xisbiga KULMIYE ayaa ku jira xaalad jaho-wareer ah, waxaanu murankiisu ka mid yahay murano iyo qalalaase siyaasadeed oo badan oo dalka ka jira, waxaana la isweydiinayaa sababta uu Madaxweyne Siilaanyo u damin la’yahay khilaafka marba marka ka dambaysa sii cakirmaya ee ka dhex jira xisbigiisa, kaas oo hadda gudaha u galay madaxtooyada, waana xisbigii u horeeyay ee isagoo haya talada Somaliland uu khilaaf noocan ahi ka dhex dhasho, marka loo eego xisbigii UDUB ee ay talada kala wareegeen oo inta badan ahaa xisbi isku duuban oo hoggaamintiisu aanay faraaro lahayn.

Hargeysa(Geeska)-Xubno ka tirsan guddiga fulinta KULMIYE, golaha wasiirada qaarkood iyo madaxweyne xigeenka Somaliland ayaa shalay kulan ku yeeshay guriga madaxweyne xigeenka ka dib markii uu habeen hore isugu yeedhay shir deg deg ah oo la xidhiidha arrimaha xisbiga KULMIYE.