Maxamed Kaahin Oo Si Kulul Uga Hadlay Shirkii Uu Md. Saylici Isugu Yeedhay Guddida Fulinta KULMIYE

0
529

Picture6Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed ayaa ayaa sharci darro ku tilmaamay warqad uu habeen hore soo saaray madaxweyne xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, taas oo uu shir isugu yeedhay xubnaha guddiga fulinta oo iyaguna shirkaas shalay qabsaday.

Md. Maxamed Kaahin Axmed, wuxuu warsaxaafadeed jawaab ah oo uu shalay soo saaray uu ku yidhi sidan:  “Shirweynaha 3aad ee xisbigha KULMIYE waxa uu ku mudaysanyahay 21/01/2014, hawshii shirweynaha  waxa gacanta ku haya Gudiga Qabanqaabada ee loo xilsaaray diyaarinta iyo abaabulka shirweynaha, waxaanna u qabsoomay guddiga:

 In la doortay  Guddoonkii Guddiga oo kala ah;

Guddoomiye, Guddoomiye-ku-xigeenno, xoghaye iyo Afhayeen

Waxay diyaariyeen  xeer-hoosaadkii hagayey hawlaha Guddiga

Waxay magacaabeen  Guddi-hoosaadyadii u xilsaarnaa hawlaha kala duwan ee Qabanqaabada

Waxay diyaariyeen qorshe hawleedkii  (work  plan) guddigu ku shaqaynlahaayeen.

Hawlahaas oo dhammaan ay guddiga Qabanqaabadu si madaxbannana u fuliyeen, sidaa darteed, hawlihii Qabanqaabada shirweynuhu waxay u socdaan si habsami ah,  shirweynuhuna waxa uu qabsoomayaa muddadii loogu talogalay sida uu dhigayo xeerka xisbiga KULMIYE.

Fadhiyada Guddiga fulinta xisbiga waxa isugu yeedhi kara Guddoomiyaha xisbiga, ajandeyaasha Guddigana  waxa diyaarinaya Xoghayaha Guud ee Xisbiga.

Sidaa darteed, warqada uu Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland isugu yeedhayo Guddiga Fulinta ee waliba uu ugu yeedhayo gurigiisa uu ku noolyahay, waxa ay baalmarsantahay sharciga iyo hab-dhaqanka xisbiga.

Arrintaasina waxay muujinaysaa shir gaar ah oo lagu wiiqayo habsami-u-socodka  hawlaha qabashada shirweynaha xisbiga, kaas oo  ka gudbay marxalado badan oo hore.

Xubnaha Gudiga Fulintana waxa lagu wargalinayaa in aan shirkaasi waxba jirin.”