Natiijada Guddiga Diiwaangelinta, Dabaal-degga ururada foosay iyo weedhaha kuwa hadhay

0
896

Hargaysa( Geeska )-Gudidda diiwaan gelinta ururadda siyaasadda iyo  ansixinta axsaabta qaranka  ayaa shalay shaaca ka qaaday lixda urur siyaasadeed ee  ka soo gudbay kala shaandheyntii ururadda siyaasadda ee ka qeyb gali doona doorashadda Goleyaasha deegaanka.

Gudida diiwaan gelintu waxay  sidaas ku sheegeen shir jaraa’id  oo ay ku qabteen xaruntooda magaaladda Hageysa. Waxaanay  daboolka ka qaadeen inay doorashada Goleyaasha deegaanka ee lagu wado inay dalka ka dhacdo ay ka qeyb gali doonaan sadexdii xisbi qaran ee hore iyo lix urur siyaasadeed oo  buuxiyay shuruudihii xeerarka doorashooyinku jidaynayeen.

Gudidu waxay sheegeen in lixda urur siyaasadeed ee soo baxay ay kala yihiin WADANI, DALSAN,RAYS, UMMADDA, NASIYE  iyo XAQSOOR. Waxa kale oo ay Gudidu sheegeen inay dhaceen  oo ay shuruudihii buuxin waayeen sagaal urur siyaasadeed oo kala ah  NUUR, DAMAL, HORYAAL, NDP, BADBAADO, GURMAD, UDHIS, JAMHUURIGA iyo SSCD.

Dhanka kale Gudidda diiwaan-gelinta ururadda siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka ayaa digniin iyo dar-daaran u soo jeediyay Ururadda u gudbay marxaladda tartanka doorashooyinka dawladaha Hoose. Waxaanay ugu baaqeen inay hawlaha olalaha u galaan si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda dalka.

Afhayeenka Gudidda Diiwaan gelinta iyo ansixinta asxaabta qaranka Md. Xasan Axmed Ducaalle oo ka hadlay madashii ay ku yeedhiyeen ururaddii siyaasadda ayaa ka waramay qodobadda laga doonayay ururadda siyaasadda waxaanu yidhi “Waxaanu halkan idiinku yeedhnay inaanu ummadda reer Somaliland u soo gudbino gabo-gabadda marxaladda labaad ee hawl-galka ururadda siyaasadda. Marxaladan hawl-galka ururaddu waxay ka soo bilaabantay 15/01/2012 waxaanay soo gabo-gabowday maanta oo ay taariikhdu tahay 20/4/2012. Marxaladan labaad waxay ururaddu ugu gudbayeen doorashadda dawladaha Hoose. Shuruudaha laga doonayay ururadda waxay ku cadayd xeer No 14 waxa aanu ururadda u gudbinay anagoo u soo koobnayn xeer number 14 waxaana aanu gacanta ka gelinay 15/1/2012. Mar labaad waxaanu u gudbinay shuruudihii laga rabay 7/3/2012. Xeerka diiwaan gelintana qodobada aanu u gudbinay way ku cadaayeen.”

Afhayeenka oo ka hadlayay shuruudihii laga doonayay ururadda siyaasadda wuxuu yidhi “Shuruudaha ugu waaweynaa waxay ahaayeen in ay lixda gobol ka furtaan xafiisyo, inay Goboladda uga diiwaan gashan yihiin min 1000 qof oo haysta kaadhka aqoonsiga, inay qabsadaan shirweyneyaal, inay ilaaliyaan xeerarka dalka, dhaqan-wanaaga iyo asluubta oo ay abaabulka ku saleeyaan. Shardi ka mid ah shuruudahaasi ururka buuxin waayaa wuxuu ahaa urur ka gudbi waayay marxaladaas labaad ee loogu gudbayay doorashadda dawladaha Hoose, Gudidu dedaal badan ayay samaysay, ururadda laftooduna dedaal badan ayay sameeyeen. Laakiin kubadda marka la ciyaarayo nina kaalinta koowaad ayuu galaa midna kaalinta labaad. Qolana xagga dambe ayay ku hadhay. Waxa la yidhi gar-dabadeed gunuunuc ayaan nacay. Wixii aanu wax ku kala reebaynay wax cad ayay ahayd dadweynuhuna way arkayeen sidii wax u socdeen oo garsoor ayay ahaayeen,”ayuu yidhi Xasan Macalin.

Afhaayeenku wuxuu u soo jeediyay lixdan urur iyo sadexda xisbi qaran inay marka ay galayaan doorashada Goleyaasha deegaanka ay ilaaliyaan anshaxa wanaaga, xeerarka iyo diinta Islaamkaba. “Sida ku cad xeer No 14 oo ah xeerka doorashooyinka sina uguma lug yeelan karaan siyaasadda cid ka tirsan shaqaalaha dawladda shaqaalaha dawladda, ciidammadda, garsoorka, gudida diiwaan gelinta, Gudida doorashooyinka iyo ururadda aan dawliga ahayn cidii ka mid ah Ha’yadahaasi aan kor ku soo sheegnay ee xubin ka ah xisbi ama urur maanta laga bilaabo waa la laalay xubinimadoodii. Ururka ama xisbiga hadda ka dib arrimo siyaasadeed u adeegsadda Ha’yadaha aynu kor ku soo sheegnay Gudiddu waxay ka qaadi doontaa talaabo ciqaabeed,”ayuu yidhi Afhayeenka Gudida ilaalintu.

Xasan Macalin waxa uu xusay inay Gudidu ay ku dabo-gali doonto ururadda iyo xisbiyadda ku dhaqanka xeerarka iyo halka uu dhaqaalaha ka helaan.

Guddoomiyaha Gudida diiwan gelinta Md. Cabdirisaaq Cumar Jaamac (Ciyaalle) oo ka hadlay madashaasi ayaa sheegay inay tahay maalin taariikhi ah waxaanu bogaadiyay ururadda soo baxay iyo kuwii hadhayba. “Mahad ALLE ayaa leh waxaan u mahad naqayaa Ha’yadaha ku mashquulsan sugidda amniga qaranka oo mudadii aanu hawl-galkaas wadnay iyaguna ku dedaalay inay mudadaasi dheer ee aanu maraynay lixda gobol amniga sugayay iyadoo aanay wax dhibaato ah iyo shaqaaqo ahi dhicin mudadii aanu shaqaynaynay. Waa maalin taariikhi ah waa maalintii labaad ee Somaliland lagu dhawaaqo ururo cusub oo tartamay oo laga doonayay inay tiro ka soo baxdo oo ay u gudubto tartanka doorashooyinka dawladaha hoose. Waxay arrintani ka markhaati furaysaa dimuqraadiyadda Somaliland hidaha u leedahay,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Gudida diiwaan-gelintu.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaanu leenahay ururaddii soo baxay iyo kuwii hadhayba in iyagoo gacanta is haysta ay wada galaan doorashadda dawladaha Hoose, anigu waan hambalyaynayaa labadaba waxaan leeyahay siyaasaddii may dhamaan waxaana aan leeyahay wax isku haneeya. Waxaanu ururaddan soo baxay u gudbinaynaa Gudida doorashooyinka qaranka.”

Jawaabaha Ururada Gudbay

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Wadani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu ku soo dhaweeyay go’aanka guddigu soo saartay,” Haddi aan nahay urur siyaasadeedka WADDANI  waxaan soo dhaweynaynaa kuna qanacsanahay natiijada qiimeynta ururrada siyaasadda JSL  ee ay ku dhawaaqeen Guddida Diiwaagelinta Ururradad Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka maanta oo Jimce ah taariikhduna tahay 20th April 2012. Guddidu waxay mudan tahay in lagu bogaadiyo sida ay u guteen xilkii qaranku u igmaday.
Waxaannu Guddida Doorashooyinka Qaranka u soo jeedinaynaa inay u cayimaan sida ugu dhakhsahah badan xiliga ay qabsoomayso doorashada golayaasha deeganka JSL. Sidoo kale, waxaan xukuumadda iyo golayaasha qaranka u soo jeedinaynaa inay gacan buuxda siiyaan Guddida Doorashooyinka Qaranka.” Ayuu yidhi Cirro.

Guddoomiyaha ururka Xaqsoor Md. Xasan Ciise Jaamac, ayaa isna soo dhaweeyay go’aanka guddiga, waxaanu u mahadceliyay dhammaan taageerayaasha iyo xubnaha ururka Xaqsoor, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay hoggaankii ku meelgaadhka ahaa ee muddo soo waday hawsha ururka,  “Ururka Xaqsoor inuu ka mid noqday lixda urur ee soo baxay waa Mahad Alle, waxaanan hambalyaynayaa guddigii ku meelgaadhka ahaa ee ururka Xaqsoor soo waday oo uu ugu horeeyo guddoomiyihi ku meelgaadhka ahaa ee ururka Xaqsoor Axmednuur Aw Cabdi Shaacir iyo guddigii kale ee hawshan soo waday iyo taageerayaasha kala duwan ee ururka guddo iyo dibadba ee dedaalka muujiyay. “ ayuu yidhi Xasan Ciise.

Wuxuu sheegay in ururku u taaganyahay nabadda iyo cadaaladda, waxaanu tahniyad u diray ururada kala duwan ee soo baxay ee ka soo gudbay marxaladii hore, waxaanu sheegay in ururka Xaqsoor u taaganyahay midaynta ururada si ay cududa siyaasadeed u xooganaato, waxaanu ugu baaqay ururada soo baxay iyo kuwa aan soo bixinba inay muujiyaan midnimo si aanu tafaraaruq ugu iman.

Guddoomiyaha ururkadda Umadda Dr. Maxamed Cabdi Gabose, ayaa qalbi furan ku soo dhaweeyay go’aanka guddiga diiwaangelintu soo saartay, “Waxa aan hambalyo u diraynaa  guddida  diwaangelinta oo muujiyay xilkasnimo ballaadhan. Aanagu haddaanu nahay ururka Ummada hore ayaanu u sheegnay dadnimadooda iyo kalsoonida aanu ka qabno sida ay wax u wadaan, waxaana aanu aaminsan nahay in waajibaadkii Qaran ee loo igmaday ay uga soo baxeen si milgo leh, markaa waxaan leeyahay hambalyo,  waxa kale oo aanu hambalyo u diraynaa dhammaan Qaranka Somaliland haddii ay tahay xukuumadda, shacabka.  Waxaanu  u soo jeedinayaa in jidka dimuqraadiyada loogu socda si miisaan leh.” Ayuu ydihi Maxamed Cabdi Gabose.

Ururada Hadhay

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Horyaal Md. Maxamed Yuusuf Cali-Gurey, ayaa wuxuu qaadacay natiijada ay guddiga diiwaangelintu ku dhawaaqeen, waxaanu codsaday inay cadayn keenaan, isagoo taageerayaashiisa ugu baaqay inaanu go’aankaasi saamayn ku yeelan.  Warsaxaafadeed uu guddoomiyuhu soo saaray ayaa wuxuu ku yidhi “Ururka Horyaal wuxuu aaminsan yahay inuu buuxiyey  dhamaan shuruudihii laga doonayay dhamaan marxaladihii kala duwanaa,sidoo kalena ay jireen qoraalo kormeerkii gudidu siiyeen. Ururka Horyaal wuxuu qaadayaa talaabo kasta oo sharcigu u fasaxayo sidii uu uga hortegi lahaa go’aanka aan cadaaladda ku dhisnayn ee gudida diiwaan gelinta ka soo baxay.

Ururka Horyaal wuxuu ka dalbanayaa Gudida Diiwangelinta Ururada inay keenaan qoraal rasmi ah oo ay ku qeexan tahay  sabata ay ku cadaynayaan inuu buuxin waayay shuruudihii looga baahnaa . Ururka Horyaal wuxuu ku wargelinayaa taagerayaashiisa meel kastoo ay  joogaan in dhawaaqa ka soo baxay Gudidda Diwaangelinta  aanu marnaba wax saamayn ah ku yeelan niyadoodii taageero ee Uruka,Waxana hogaanka Horyaal u balan qaadayaa in ay samayn doonaan dedaal kasta oo aynu ku heli karo xuquudeena naylka duudsiyey.

Uruka Horyaal wuxuu u sheegayaa Gudidda Diwaan Gelinta Ururada in aanu aqbalin natiijada ay soo saareen, si sahalana ugu tegayn xuquuqdiisa ku xusan xeer No 14,taas oo si cad u damaanad qaadaysa waxyaabaha urur lagu noqon karo ama lagu waayi karo.”

Gudoomiyaha urur siyaasiyeedka Udhis Md.Ibraahin Cabdilaahi Xuseen ( Dhaga weyne ) ayaa isna si weyn uga soo horjeestay go’aanka guddiga diiwaangelinta,  “Go’aanka ay gudida diiwaangelinta ururaddu soo saareen maaha mid aanu aqbalayno oo noo Cuntamaya Sababtuna Waxa weeye wixii bani aadamku markhaatiga ka ahaa ee Gobol waliba dadkiisii halkaa soo tubay in aanu been ka Sheegno Ma ogolaanayno.  Go’aan cad oo ururku leeyahay oo aan ka eegno arintan ayaanu ka soo saari doonaa, sidaas ay u badheedheen ayaanu go’aan ka qaadan doona.”?

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Jamhuuriga Axmed Sandoon, oo ay ururkiisa ku bahoobeen saddex urur siyaasadeed, ayaa wuxuu isna wax lala yaabo ku tilmaamay natiijada guddiga diiwaangelintu soo saartay, waxaanu sheegay inaanay aqbalayn islamarkaana ku qanacsanayn maxsuulka ay guddigu soo saartay, isagoo taageerayaasha ururka Jamhuurigana ugu baaqay inay u diyaar garoobaan xaalad kasta oo ka soo korodha natiijada guddiga diiwaangelinta.

Gudoomiyaha urur siyaasiyeedka Gurmad Nuur Faarax Xirsi, oo isaguna warbaahinta kula hadlay isla magaaladda Hargaysa ayaa sheegay in aanay aqbalayn go’aankaas isla markaasna arintu in aany u dhicin si cadaalada, ee xeer jajab lagu maareeyay  “Go’aankan gudidu sii daysay waa go’aan cadaalada aad uga durugsan iyo gudida shaqadeedii, laakiin ku yimi xeer jajab ,beelo iyo wax la eegay ku dhacay weeye, ee aan ku dhacin yaa gudbay ee shuruudii sharciga ah ee laga rabay buuxiyay. Marka koowaad Gurmad ma aqoonsanayso mana aqbalayso go’aanka ay gudidu soo saareen, waayo waxaanan u qabalayn uma arkayno go’aan garsoor ee inay ka baxsantahay iyaga hawshoodii yaanu u arkaynaa.”

Waxa kale oo uu Nuur Faarax u sheegay taageerayaasha ururka Gurmad in aan ururkoodu guul daraysan ee ay cadaalada Somaliland guul daraysatay “T alabaad waxaan u cadaynayaa taareegayaasha ururka Gurmad inay guul la taaban karo oo markhaati leh ay ka sameeyeen waxii sharcigu ka rabay gobalada oo dhan, sidaas daraadeed waxaan qabnaa in waxa la gaadhay ay tahay go’aan siyaasiya. Waxa guul daraysatay cadaaladii ee Gurmad may guul daraysan, waxa guul daraysatay dhexnimadii ay umadda u hayeen maamulka wadanka ka taliya.”