Deg Deg: Somaliland Oo Ka Baxday Wada Hadaladii Somaliya

1
745

siilaanyo22Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay ka baxday qorshaha wada hadalkii Somaliya, ka dib markii uu Sheekh Shariif ku soo daray guddigiisa laba nin oo ka soo jeeda Somaliland balse ka tirsan maamulka Puntland.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa sheegay in sababta ay wada hadalkaas uga baxeen tahay xubnaha Somaliland ka soo jeeda ee uu Shariifku guddiga ku soo daray.

Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa soo dhawaynaya inay xukuumadu ka baxdo wada hadalada Somaliya mar haddii guddiga lagu soo daray dad asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, waayo wada hadalku wuxuu ku salaysnaa Somaliland iyo Somaliya.

 

Comments are closed.