Cabdiraxmaan Cirro Oo Ka Hadlay falkii lagula Kacay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir

0
709

Hargeysa(Geeska)-Guddomiyaha golahada wakiilada ahna guddoomiyaha urur siyaasadeedka Wadani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay qorshihii xilka lagaga qaaday Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, islamarkaana si jujuub ah lagaga saaray shirkii KULMIYE.

Md. Cirro, ayaa warsaxaafadeed uu xalay soo saaray, wuxuu ku sheegay inuu rumaysanyahay in urur siyaasadeed kastaa u madaxbanaanyahay islamarkaana uu mudanyahay in lagu ixtiraamo xeerarkiisa u gaarka ah iyo sida uu madaxdiisa iyo xubnihiisa u anshax marinayo, waxase uu sheegay in lagu xad gudbay xuquuqdiisa aasaasiga ah.Waxaan kale oo fursadan uga faa'iidaysanayaa in aan kelmad kooban ka idhaahdo  arrinta hadal-haynteedu badan tahay ee ku saabsan dhacdadii la xidhiidhay shirkiii Golaha Dhexe ee Xisbul Xaakimka Kulmiye iyo Guddoomiye ku xigeenkii 2aad ee xisbigaas Md Cabdiraxmaan Cabdilqaadir.’ Ayuu yidhi Cirro, waxaanu intaas raaciyay, “Waxaan rumeysanahay haddi aan nahay urur siyaasadeedka WADDANI in xisbi kasta ama urur siyaasadeedka kastaa u madax bannaan yahay mudan yahayna in lagu ixtiraamo xeerarkiisa iyo sida uu u anshax marinayo madaxdiisa iyo xubnihiisa. Hase yeeshee wixii debedda uga soo baxa xisbiga ama ururka siyaasiga ah waxay saameyn ku leeyihiin bulshada oo bulshadu way ka hadlaysaa dareenkeedana way ka bixinaysaa.”

Cirro, wuxuu yidhi “Mudane Cabdiraxmaan Cabdulqaadir waa siyaasi caan ah oo reer Somaliland, waxa uu ku leeyahay taariikhda halganka Somaliland  magac iyo maamuus wanaagsan. Waxa uu ka mid ahaa xubnaha hogaanka xisbiga Kulmiye oo waxa uu lahaa maamuuska saaraakiisha  qaranku leeyihiin. Xisbigu xaq buu u leeyahay inuu eedayn u soo jeediyo xubnihiisa. laakiin sida shuruucda caalamka, dhaqankeenna iyo diinteenaba ku cad qofka ama muwaadinka la eedeeyey waxa uu xaq u leeyahay in la siiyo fursad uu iskaga daafaco eedaha loo soo jeediyey. Fursadaas lama siin Md Cabdiraxmaan Cabdulqaadir taas oo xad gudub ku ah xuquuqda asaasiga ah ee muwaadinka. Wixii kale ee hagardaamo ah ee soo gaadhay Md cabdiraxmaana waan ka xunahay.”

Ugu dambayn, wuxuu Alle uga baryay inuu caafimaad siiyo, “Md Cabdiraxmaan Cabdulqaadir oo baadhis caafimaad ugu baxay UK  kuna booqday gurigiisa ka hor intaan la qaadin, waxaan Illaahay uga baryayaa inuu siiyo caafimaad sariic ah.” Ayuu ku soo ooday Md. Cirro hadalkiisa.