Gudoomiye Cirro Oo Dalbaday In Doorashada Wakhtieeda Laga Soo Hormariyo Si Dalka Loo Badbaadiyo

0
548

Picture5Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ahna  Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ayaa waxaa uu ku baaqay in Doorashooyinka Madaxtinimada Dalka laga soo hormariyo wakhtigoodii 2015-ka, si loo badbaadiyo Qaranka Somaliland maadaama ay Xukuumadii taladda Dalka haysay ay ka mashquushay hawlihii ay Qaranku u igmaday kuna mashquul santahay arrimaha gaarka ah ee khilaafka Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxamaan Maxamed (Cabdilaahi Cirro) ayaa hadalkan ka sheegay mar uu Shalay Xisbigiisu Munaasibad soo dhawayna ah u sameeyey Masuuliyiin iyo Taageerayaal aad u tiro badan oo ku soo biiray Xisbiga Waddani.waxaana uu marlabaad ka hadalay aragtidiisa ku wajahan khilaafka Xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye isaga oo tibaaxay in Xisbigu wixii khilaafa ee dhexdisa yaala uu ku dhamaysto xeerarkiisa iyo shuruucda dalka u taala waxaana ka mida ahaa hadaladiisii isaga oo arimahaasi ka hadlaaya "Anagu ka Xisbi ahaan waanu ka xunahay khilaaf kasta oo ku dhaca Xisbi ka mida Asxaabta Qaranka,waxaan se jecel nahay sida aad ka warqabtaan Axsaabta Qaranku waa Hanti umadeedee in aan midina inaga Burburin,Sidaa daraadeer horena waanu u sheegnay hadana waanu ku celinaynaa waxaanu jecel nahay in Xisbigu Khilaafkiisa uu dhexdiisa ku xaliyo isaga oo adeegsanaaya Xeerkiisa iyo Xeerarka shaciga".

Cabdiraxamaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) isaga hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi “Khilaafka Kulmiye,Kulmiye oo qudha kuma koobnaanayo maadaama uu yahay Xisbul Xaakimkii,khilaafkiisu waxaa uu saameeyey Xasiloonidii Qaranka,war war badan ayaa haya shacbiga oo ka haya Amniga dalka,ilaalinta amniga dalku waa waajibaadka koowaad ee Xukuumadda dalka,dhamaan muwaadiniintana waxaa uu xil kasaaran yahay in la 'ilaaliyo amniga qaranka oo haddii uu amnigu inaga xumaado wadanku waa uu inag xumaanayaa waxaan soo jeedinayaa in aan shaanidii inagu noqonin wada halaq waa in aynu ka digtoonaanaa waa in aynu arimaheena aynu si kale u xalinaa ee aynaan ku xalin SHAANI,waxaanan u soo jeedinayaa in cid kasta oo arintaa lagu tuhmayaa ay joojiso" Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed (Cabdilaahi Cirro)  ayaa waxaa uu sida oo kale uu ka hadlay saamaynta uu yeelan karo khilaafka Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye,waxaana uu tibaaxay in khilaafkasi uu saamayn ku yeelan karo qabashada diiwaanagalinta Codbixiyeyaasha Somaliland,qabashada doorashooyinka,Xidhiidhka deeq bixiyeyaasha iyo caalamkaba,waxaana uu carabka ku dhuftay in hada ay xukuumada jirta u muuqato mid aan ilaalin adkaynta nabad galyada iyo arimahan kaleba,waxaana uu ku baaqay in doorshada laga soo hormariyo wakhtigeedii. “khilaafka Xukuumadda iyo Kulmiye waxaa uu saamayn ku yeelanayaa dalalka aynu jaarka nahay,waxaa uu saamayn ku yeelanayaa hanaanka dimuqraadiga ah ee Somaliland,waxaa u saamayn ku yeelanayaa qabashada diiwaan galinta Codbixiyeyaasha,waxaa uu saamayn ku yeelanayaa qabashada doorashooyinka oo la rabo in xiligeedii lagu qabto,waxaa uu saamayn ku yeelanayaa Xidhiidhka deeqbiyeyaasha iyo caalamkaba,waxaa u dastuurku uu qorayaa in xukuumadu ay ka masuul tahay ilaalinta amniga iyo dhamaanba qodobadaa aan soo sheegay,Xukuumadii Meeday,Xukuumadii waxaa ay ku maqan tahay oo ay waajibkeedii kaga maqan tahay Khilaafka Kulmiye "Sow sidaas Maaha" Arrimahaasi oo dhami markii aanu soo koobnay waxaa ay leeyihiin hal daawo (Hal Kiniin) tolow kiniinkaasi waa maxay,maxaad u malaynaysaan,wadamo badan oo Xaaladahan soo maray oo daraasado badan laga sameeyey Xal qudhaa loo helay Xalkaasina waxaa weeye in doorashada la soo hormariyo oo wakhtigeedii laga soo hor mariyo si dalka loo badbaadiyo,markaa waxaanu soo jeedinaynaa in doorashada la soo hormariyo si dalka loo badbaadiyo.” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Cirro.