Madaxweyne Siilaanyo Oo La Kulmay Bahda Cadaaladda

0
694

Picture2Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa shalay  kulan dardaaran ah la qaatay garsoorka maxkamadda sare iyo gudidda caddaaladda Somaliland oo ay hogaaminayeen guddoomiyaha maxkamada sare Aadan Xaaji Cali Axmed, wasiirka Caddaaladda iyo garsoorka Xuseen Axmed Caydiid, iyo Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed Aadan. Kulankan oo ujeeddadiisu ay ahayd sidii loo dardar galin lahaa korna loogu qaadi lahaa bahda garsoorka iyo caddaaladda, isla markaana loo xoojin lahaa caddaaladda maadaama oo caddaaladdu tahay udub dhexaadka Qaranka iyo bulshadaba. Waxaana shirkaasi lagaga wada hadlay mudadii uu socday laguna soo qaaday habka ugu fudud ee dadku ay caddaalad ku helikaraan iyo sidii looga hor tagi lahaa caqabkasta oo wax yeelaysa caddaaladda layskuna meel dhigi lahaa hanaanka ugu fiican ee bahda garsoorku ay dadka ugu adeegi lahaayeen iyaga oo raacaya shuruucda dalka, daacadna ka ah.

Waxaana halkaasi madaxweynaha warbiximo ka siiyey gudoomiyaha maxkamada sare, iyo weliba xubno ka mida gudidada cadaalada iyo garsoorayaasha maxkamada xubno ka mida.

Madaxweynaha oo shirka soo xidhay ayaa kula dardaarmay una bayaamiyey ujeedada kulankan oo madaxweynuhu sheegay inuu yahay mid ku salaysan ka midho dhalinta in dalku ka sinnaado cadaalad iyo garsoor waara oo shacbiga iyo dalkaba ku hogaamiya wanaag, sinnaan iyo horumar bulshadu mahadiso.

Waxa madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Qaranka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdlaahi Ismaaciil (Saylici).