Istanbul (Geeska)- Mustafa Arool oo ah wiil maskaxdu qayb ahaan naafo tahay oo u dhashay dalka Turkiga ayaa qoray buuggiisii ugu horreeyey oo uu kaga warramayo noloshiisa gaarka ah iyo duruufaha uu ku mutaystay xaaladdiisa naafonimo. Isku day uu Mustafe ku doonayo in uu dunida oo dhan ugu sheego in uu been yahay fahamka maskaxda dadka degey ee ah in dadka cudurkan qabaa aanay noloshooda waxba ku soo kordhin karin, sidoo kalana waxa uu ku jiraa dadaal uu doonayo in uu ku beddelo sawirka hab-nololeedkiisa laga qaadan karo marka la arko xaaladdiisa.
Arool oo hadda 35 sano jir ahi waxa uu buuggiisan koowaad u bixiyey, “Naafo ayaa ay i moodayaan” waxa aanu ka kooban yahay 90 warqaddood, arinta se’ dad badan dareenkooda sida gaarka ah u soo jiidatay waxa ay tahay in Mustafe uu buuggan oo dhan ku qoray Kombiyuutar uu ku garaacayey sankiisa maadaama oo aanu maamuli karin waaxyaha jidhkiisa, sida gacmaha.
Qoraal uu sidan oo kale Kombiyuutarka ku qoray, maadaama oo aanu hadalku si fiican uga soo wada baxayn, ereyadiisana aan la fahmi karin, waxa uu Mustafe ku sheegay in uu doonayo in uu noqdo qoraa caan ah, waxa aanu sheegay in uu imikaba gacanta ku hayo dhamaystirka buuggii labaad oo uu kaga hadlayo qiso dareenka taabanaysa oo la xidhiidha duruufaha nololeed ee wiil naafo ah.
Mustafe waxa uu sheegay in farxaddiisa ugu weyni ay ahayd markii gacanta laga saaray nuskhad ka mid ah buuggiisan oo Kun nuskhadood laga sameeyey gobolka Aydin ee galbeedka Turkiga, oo dhinaca kalana ah gobolka uu ku nool yahay.
In kasta oo Mustafe uu xanuun aad ahi ka qabto raqabadda, foorarka badan awgeed, haddana waxaa ka go’an in uu ku socdo qoraanimada oo isaga uga baahanaysa in uu saacado badan ku fooraro kombiyuutarka oo uu batamada xuruuftiisa sanka ku garaacayo. Waxase uu sheegay in sababta uu buuggan toddobada sano u waday aanay ahayn gaabis kale balse ay ku soo hagaagtay ardaynimadiisa xilli uu qoraayey buuggii dhamaystirashada shahaadada labaad ee waxbarashada jaamacadda (Masters)
Madaxweynaha Turkiga:
Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa isla markii uu qisada Mustafe Arool ka ogaaday warbaahinta waxa uu talefan kula soo hadlay qoyskiisa, si uu ugu hambalyeeyo guulaha uu gaadhay wiilkoodu, waxaaanu si dhaqso ah Mustafe ugu soo diray hadyad ah gaadhi curyaan si aad u casri ah u shaqaynaya.
Mustafe Waalidkii:
Mustafe aabihii iyo hooyadii ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dadaalka mucjisada ah ee wiilkoodu ugu jiro in uu naftiisa iyo naafada kale ee dunida ku noolba ficil ku tuso in naafonimadu aanay la macno ahayn in qofka noloshiisu dhammaatay oo aanu guulo ka gaadhi karin hab-nololeedka uu xiisaynayo.
Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Huffington Post ayaa intaas ku daraya in labada waalid waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in wiilkooda ay wax badan ka soo caawiyeen intii uu yaraa una dhamaystireen seeska nolosha ee muhiimka ah, waxa se’ ay xuseen in dadaalkoodu aanu waxba tareen haddii aanu Mustafe ahayn nin hal adag oo diyaar u ah in uu naftiisak u carbiyo in aanay naafonimada u aqoonsan dhammaadka nolosha.