Dilkii Usaama Bin Laadin: Buug Daaha Ka Rogaya Runtii Uu Maamulka Obama Qariyey Kamaal A. Cali… (Qaybta 12aad)

0
627

Sidaa awgeed waxaa iska caddayd in arrintani ay taaban doonto dareenka ciidanka hawlgalka fuliyey marka ay arkaan in warkii loo sheegay si aanu ahayn oo meelaha qaar xogta la bixiyey khatar ku tahay hawlgallada gaarka ah ee dambe.

Markii xaajo dhabaqday, ee Guriga Cad uu bixiyey wararkan is burinayey, isla markaana uu fashiyey tafaasiil badan oo la xidhiidha hawlgalka, oo sirdoonka, wasaaradda difaaca iyo ciidamada SEALS midkoodna aanu jeclaysanayn, isla markaana ay masuuliyiinta Guriga Cad oo Obama ugu horreeyaa ka sheekeeyeen xog aan jirin oo ay ugu daran tahay xogo sheegaya in SEALS amarka la siiyey marka hore ahaa in ay Usaama Bin Laadin nolol ku soo qabtaan. Arrimahan oo isu tegey waxa ay dhaliyeen cabsi ah in cid uun ka mid ah SEALS ay cadho kaga jawaabto arrintan oo ay iyaguna markooda ka hadlaan waxa dhacay iyo runtii ay goob joogga u ahaayeen.

Arrintan xalka uu Guriga Cadi u helay waxa ay ahayd in laga dadaal galo sidii loo aamusiin lahaa ciidamada SEALS. 5tii May dhammaan xubnihii sida tooska ah uga qayb qaatay hawlgalka Usaama Bin Laadin lagu khaarajiyey, waxaa dib loogu soo celiyey fadhiisinkooda ku yaalla koonfurta gobalka Virginia.

Dhinaca kalana waxa uu Guriga Cad diyaariyey habkii uu isaga oo sifo sharci ah maraya u aamusiin lahaa ciidamadan, Qabyo-qoraalka aan dadka loo soo bandhigin ayaa la tusay taliska hawlgallada gaarka ah ee ciidamada Maraykanka, qoraalkan oo uu soo saaray xafiiska sharciga ee Guriga Cad, ayaa lagu sheegay ciqaabo madani ah iyo maxkamadayn uu mutaysan doono qof kasta oo fagaare ama si gaar ah uga hadla ama uga dooda hawlgalkaas lagu dilay Usaama Bin Laadin. Ciidamada SEALS ee hawlgalkan ka qayb galay kuma ay faraxsanayn sida ay wax u socdaan. Laakiin sida uu sheegay sarkaalkii hawlgabka ahaa ee inoo warramayey ciidamadan badankoodu waa ay iska aamuseen. Waxaa isna afkiisa xidhay Adhmiraal William McRaven, oo markaas taliye ku-meel-gaadha ka ahaa taliska dhexe ee ciiidamada. “McRaven waxa uu ahaa nin aamusan. Waa uu ogaa in Guriga Cad uu khiyaameeyey, laakiin waxa uu ahaa askari ku kooban xirfaddiisa oo aan markaas weli kaalin siyaasadeed ciyaarin, waxa aanu si fiican u ogaa in haddii uu fashiliyo siraha madaxweynaha ee hawshan la xidhiidha aanu wax magac iyo sharaf ah ku heli doonin.

Markii Obama bannaanka ula soo baxay warka dhimashada Usaama Bin Laadin, qof kastaa waxa uu xiiseeyey oo uu qaatay sheekadan cusub ee macnaha samaynaysay, iyada oo la iska dhinac maray xaqiiqada ay hayeen kuwii hawlgalkan qorshayntiisa iyo fulintiisa ku lug lahaa.

Maalmo gudahood, ayaa qaybo ka mid ah buun-buunintii hore iyo wararkii ku-tiri-ku-teenka ahaa ay caddaadeen, wasaaradda difaaca ee Maraykankuna waxa ay soo saartay war-murtiyeedyo taxane ahaa oo ay arrimo badan ku caddaysay. ‘Maya, Bin Laadin ma’ uu hubaysnayn markii la toogtay ee la dilay. … Maya, Bin Laadin xaasaskiisa kama’ uu dhigan gabbood iyo dhufays uu xabadda isaga dhigo’ ayaa lagu caddeeyey wararka dambe ee ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga. Warbaahinta ayaa si weyn u rumaysatay una aqbashay sharraxaaddaan dambe, waxaana soo baxday in qaladaadka warbixinaha hore ku jiray ay ahaayeen kuwo uu Guriga Cad sameeyey isaga oo damac ka hayo in uu saxafiyiinta kaga majara habaabiyo raadinta tafaasiisha hawlgalka.

Mid ka mid ah beenaha xanuunka keenay waxaa ayaa ahayd in ciidamada SEALS rasaas ay la kulmeen markii ay ku sii socdeen Usaama Bin Laadin qaybta uu ka deggenaa dhismaha. Laba keliya oo ka mid ah ciidamada SEALS ayaa arrintan ka hadlay; Maalin Sahlan ma’ay ahayn, xogta goob-joogaha ee weerarkii. Waxa uu ahaa buug uu Matt Bissonnette kaga warramayo weerarka Usaama lagu dilay, waxa aanu buuggani soo baxay bishii Sagaalaad 2012ka. Laba sano kadibna, Rob O’Neill ayaa waraysi uu siiyey Talefishanka FoxNews, kaga hadlay arrinta weerarkan.

Labadan ninba intii aanay hadlin waxa ay iska casileen ciidamada badda, labadooduba waxa ay ka mid ahaayeen raggii sida tooska ah rasaasta ugu riday Bin Laadin. Xogta ay bixiyeen meelaha qaar midiba ka kale ayaa uu burinayey warkiisa, laakiin sheekadoodu si guud waxa ay taageeraysay sheekadii Guriga Cad, gaar ahaan marka ay ka hadlayaan baahida keentay in ciday ciidanku ay cid dileen (Sida ay ku andacoonayeen) intii ay ku sii socdeen Bin Laadin qaybta uu guriga ka deggenaa oo ay sheegeen in ay ku timid dagaal lagala hor yimid.

O’Neill xitaa waxa uu Fox News u sheegay in isaga iyo saaxiibbadiisii hawlgalkan kula jiray ay mar u maleeyeenba in ay hawlgalkan ku dhimanayaan, dagaalka ka hor yimid oo kululaa awgii. Waxa aanu sheegay in mar kasta oo ay arkaan iska caabbinta ka hor imanaysa ay sii aaminayeen in hawlgalkani uu yahay kuwa aan nolol lagaga soo noqon.

In kasta oo ay labadan nin sidaa yidhaahdeen, haddana sarkaalkii xog-ogaalka hawlgabay ahaa ee ii warramayey waxa uu ii sheegay in wararkii ay bilowgii hore bixiyeen ciidamada SEALS aanay ku sheegin habayaraato ee wax rasaas ah oo ka hor timid iyo xitaa wax iska-caabbin ama hor-joogsi uun ah oo ay la kulmeen.

Masraxiyadda iyo khatarta ay ka sheekeeyeen Bissonnette iyo O’Neill waxa ay u baahan tahay in si aad ah loogu fiirsado sababta keentay. Sarkaalka hawlgabka ahaa ayaa kahadlay arrintaas, “Ciidamada SEALS qudhoodu lama’ ay noolaan karayn xaqiiqada ah inay dileen Usaama Bin Laadin iyada oo aanay haba yaraato ee cidi ka hor iman ama aanu iska difaacin, sidaa awgeed waa in ay jirtaa sheeko muujinaysa in ay khatar waajaheen si dhiirranaantooda iyo geesinimadooda loo ogaado. Wiilashani (SEALS) waxa ay doonayeen in inta ay baararka tagaan ay ku sheekeeyaan in ay u ahayd maalin ay hawl adag si sahal ah ku dhammaysteen. Taas oo aan run ahayn.

La soco…..