Muxuu Wasiirka Hawlaha Guud Ka Yidhi Gadoodka Shaqaalihii Wershada Korontada Hargeysa

0
550

Picture4Hargaysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa ka hadaly cabashada Shaqaalaha Warshada Korontada Hargeysa,waxaanu tilmaamay in wax Mushahar ah oo ay Shaqaalahaasi leeyihiin aanay jirin, oo Musharaharkii ay wada siiyeen.

Wasiirka hawlaha guud oo shalay saxaafadda u waramay ayaa isagoo ka hadlaya mawduucan wuxuu yidhi   “Shaqaalahani waxa ay ka mid yihiin Shaqaalihii dawladda, u shaqaynayey, waxayna qeyb ka noqon doonaan mashruucan cusub ee wadaaga ah, laakiin madaama Warshada Kontoadu noqotay Warshad gaar loo leeyahay, waxa ay xaq u leeyihiin in Imtaxaan laga qaado.  , Berbera Shaqaalaha joogay gabigooduba  waxa ay ahayeen 59-Shaqaale, baahida Warshada iyo Shaqaalaheedu wey is buuxinayaan, laakiin Hargeysa shaqaalaheedu wuu badan yahay, oo laba boqol oo Shaqaale ah ayaa joogay, oo intooda badan siyaabo badan ku yimid intii aanan anigu Wasaaraddan iman, oo aan ugu imid 197-shaqaale, oo hadda waxa jooga 164-shaqaale, oo dadkii hawlgabka ahaa ama dadka aan shaqayn karaynin, oo aanu meesha ka saarnay, Shaqaale cusubna aanan qorin, markii aan anigu imid Shaqalahaas cabashadoodu laba qodob ayey ahayd, Mushaharka oo aan u dhamayn, markii aanan anigu iman, Todobaadkii dhawayd ayaanu u dhamaynay, oo Mushahar ay lahaayeen 2011 iyo 2012, ayaa la siiyey”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata kana hadlaya mustaqbalka shaqaalaha ayaa yidhi “Shaqaalaha la iska dareerin maayo ee Imtixaan ayaa laga qaadaya, waana xaq loo leeyahay, oo Shaqaalaheenana Hay’addaha dawladdu Imtaxaan ayey maraan, Hay’adda Shaqada ayeyna ka diiwaan gashan yihiin, marka laga reebo dhawr iyo labataan inta kale Imtaxaan may marin, manayna ka diiwaangashaynayn Hay’adda shaqaalaha, baahi markaas taagnayd ayeyna iskaga yimaadeen”.