“Ma Jirto Colaad Aniga iyo Madaxwayne Siilanyo Naga Dhaxaysaa, Lakiin Xaga Afkaarta Ayaanu ku Kala Duwanahay iyo Hoggaaminta”

0
534

xamarjeHargeysa(Geeska)-Guddoomiyihiii hore ee gobolada Maroodijeex iyo Togdheer Axmed Cumar Cabdilaahi (Xamarji), guddoomiye xigeenka 1aad ee golaha wakiilada ku eedeeyay inuu ka dambeeyay xadhig loo gaystay sarkaal ka tirsan xisbiga Waddani.

Md. Xamarji, waxa kale oo uu ka hadlay safarkii uu Madaxweyne Siilaanyo ku soo maray gobalada dalka qaarkii. “Waxa Xidhan Xubin Ka tirsan Golaha dhexe ee xisbiga Mucaaradka ah ee wadani,Waxaana uu Qoray Qoraal uu kaga hadlayo Xaaladaha Adag ee Ka taagan Gobolada Bari ee somaliland,waxaana Xidhay Baashe Maxamed Faarax Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada,Baashe Markiin Aan la hadlay waxa uu yidhi waxa igu soo diray Wasiirka Caafimaadka Sidaasna waan u xidhay,waxaanu Codsi ku soo jeedinaynaa in Faraha Laga Qaado Xubinta Ka tirsan Xisbiga Wadani ee Xabsiga ku Jirta,Hadii kale Waxa ay Noqonaysaa Arin Meel kadhac ku noqon Doonta Xukuumada,Wasiirka arimaha Gudaha Lamaanu Hada.” Ayuu yidhi Xamarji oo u waramay shabakada wararka ee Hadhwanaag, waxaanu intaas raaciyay  “Laakiin Ciidanka Sirdoonku waxa ay shegeen inuu Baashe Soo Xidhay.”

Xamarji oo la weydiiyay socdaalkii Madaxweynuhu dhawaan ku soo maray gobalada dalka, wuxuu yidhi “Socdaalkaas Anigu waxaan u arkaa Intiisa badani waxa uu ahaa Mid Aan Macno Wayn ku fadhiyin waxa uu salka ku hayana Aan la Garanayn Ayuu ahaa oo Aan ahayn Safar Loogu kuur Galayo Xaalada Dadka Ayuu ahaa,Mana Jirto Colaad Aniga iyo Madaxwayne Siilanyo Naga Dhaxaysaa.heshiis ayaanu nahay Madaxwaynaha Saaxiib isku dhawna waanu nahay,aad iyo aad ayuu u wanaagsan yahay Xidhiidhka Naga Dhaxeeyaa Lakiin Xaga Afkaarta Ayaanu ku Kala Duwanahay iyo Hogaaminta.”

Guddoomiye-xigeen Baashe oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu eedayntan wax ka weydiiyo ayaanay u suurtogelin, ka dib markii aanu Telefoonka ku weynay.