Muxuu Madaxweyne Siilaanyo Ugu Hoyan Waayay Magaalada Borama?

0
524

Picture4Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo gelinkii hore ee khamiistii toddobaadkan u baxay safar uu gobalada qaarkood ku marayo, ayaa wuxuu subaxnimadii ka bilaabay gobalka Gabiley, isagoo ku xigsiiyay gobalka Awdal.

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu habeen hore fiidkii soo galay magaalada Borama, waxase dad badan oo reer Somaliland ah yaab ku noqotay markii uu Madaxweyne Siilaanyo saacad ka dib ka baxay Borama, iyadoo la filayay inuu ugu yaraan habeen u hoyan doono.

Waa markii u horaysay ee afar safar oo uu Madaxweynuhu ku tagay Borama uu si kedis ah uga soo laabto. Afartaas safarba wuxuu Madaxweynuhu Borama u hoyday ugu yaraan hal habeen.

Sababo badan ayay dadku u filayeen in Madaxweynuhu ku dhixi doono Borama, waxaana sababahaas ka mid ah dareenada siyaasadeed ee ka jira guud ahaan gobalka Awdal, gaar ahaan magaalada Borama, iyadoo todddobaadkan ay maleeshiyaad uu Suldaan Wabarka Somaliland diidka ahi hoggaaminayaa soo weerareen ciidanka qaranka ee degen duleedka Borama. Qodobka kale ee la xidhiidha tabashada ay madaxdhaqameedka beelaha Samaroon u gudbiyeen Madaxweyne Siilaanyo ee dhinaca saami qaybsiga oo dhawr bilood ka dib aanu weli si ficil leh uga jawaabin, arrintan oo la aaminsanyahay inay sabab u tahay dareenada ka soo kordhaya Borama.

Marka si guud loo eego arrimahan, waxa la filayay in Madaxweynuhu ku negaan doono magaalo madaxda gobalka Awdal ee Borama, maadaama oo uu gelinkii hore ilaa gelinkii dambe dhex marayay deegaanada kale ee gobalka. Markii uu Madaxweynuhu kulan kooban la yeeshay odayaasha dhaqanka ee Awdal, ayuu si kedis ah uga baxay Borama, isagoo u hoyday magaalo xuduudeedka Wajaale ee ku taala xadka Somaliland iyo Itoobiya.

Waxaanu ambo-baxa kediska ah ee Madaxweyne Siilaanyo abuuray su’aalo badan oo ay bulshada siyaasadda falanqaysaa isweydiisay. Madaxweyne Siilaanyo waxa la filayay inuu si mug leh u galo arrimaha xamaasadaysan ee ka jira gobalka Awdal oo sababi kara haddii aan laga hawlgelin falaago siyaasadeed oo halis ku keeni kara qaranka.  Laakiin lagama filayn inuu galo Borama, kana soo baxo sidii qof caadi ah oo safar ku tagay.

Maadaama oo dunida iyo gobalkaba laga ogyahay dareenada siyaasadeed ee ka jira Borama iyo guud ahaan gobalka Awdal, waxa saacadda uu Borama joogay laga fasiran karaa dareeno kale, iyadoo ay dadka qaarkii u qaadan karaan in Madaxweynuhu ka cabsaday in hal habeen oo uu Borama u hoydaa ay ku furi karaan dareeno mucaaradeed oo la waaberiista. Si kastaba ha ahaate, Madaxweyne Siilaanyo oo ah hoggaamiyihii qaranka lagama filayn inta uu safar u xadhko xidho inuu haddana saacad soo joogo magaalo muhiim ah oo ay weliba ka jiraan kacdoono siyaasadeed oo ay abuurayaan dad Somaliland diid ahi. Waxa ay ahayd in Madaxweyne Siilaanyo u babac dhigo tabashada dadkii soo doortay oo uu kaga jawaabo talaabooyin cadaaladeed waxyaabaha ay ka tirsanayaan maamulkiisa. Markase uu si kedis ah u tago, si kedis ahna uga soo laabto waxa loo arki karaa inaanu marka horeba safarkiisa gobalku ku fadhiyin macno iyo miisaan siyaasadeed balse ay iska ahayd lugta soo mari.