Itoobiya Oo Ka Hadashay Kulan Dhex Maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Iyo Wasiirul Dawlaha Khaarajiga Ee Wadankaas

0
515

Picture1Hargeysa(Geeska)-Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda Itoobiya Berhane Gebre-Chiristos ayaa shalay xafiiskisia Addis Ababa ku qaabilay wasiirka  Arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis.

Qoraal kooban oo la geliyay barta ay wasaaradda khaarajiga Itoobiya ku leedahay Internetka ayaa waxa lagu sheegay inay labada wasiir ka wada hadleen arrimo khuseeya ilaalinta xuduudka labada wadan iyo waxyaabo kale. “Labada dhinac waxay ka wada hadleen arrimo ku saabsan ilaalinta nabadgelyada xuduudka iyo waxyaabo kale oo la xidhiidha.” Ayaa lagu yidhi qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, waxaanay intaas raacisay, “Maxamed Biixi Yoonis iyo danjire Berhane waxay is dhaafsadeen aragtiyo la xidhiidha wada hadaladii dhawaan Djibouti ku dhex maray madaxda Somaliland iyo Somaliya, kulanka farsamo ee qorshaysan inuu dhex maro Somaliland iyo Itoobiya iyo doorashooyinka soo socda ee Somaliland iyo arrimo khuseeya danaha labada dhinac.”

Warar kale oo soo baxay ayaa sheegaya in wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Itoobiya u tagay arrinta la xidhiidha Suldaan Wabar oo la sheegay inay xukuumadda Somaliland aaminsantahay in maleeshiyaadkiisu u talaabeen gudaha Itoobiya, ka dib markii ay toddobaadkan soo weerareen ciidanka qaranka ee degen duleedka Borama.