Muxuu Daarranaa Kulankii Madaxweynaha Somaliland Uu Shalay La Yeeshay Madax-dhaqameedka Beesha Bariga Burco ?  

0
641

Kulankani wuxuu ka beddeli karaa Loolanka Wasiirrada Gudaha Iyo Caafimaadka ee Hoggaaminta Kulmiye ?

 Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Shalay qaabilay Suldaanka guud ee Beesha Bariga Burco Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse oo ay wehelinayeen Madax-dhaqameed kale oo tiro badan.

Kulankan oo noqonaya kii koowaad ee inta la ogyahay dhex mara Madaxweynaha iyo Madax-dhaqameedka waaweyn ee Beesha Bariga Burco intii ka dambaysey doorashadii Madaxtooyada ee sannadkii 2017-kii, ayaan si rasmi ah loo shaacinin waxyaabaha lagaga Wada-hadlay, laakiin ilo-wareedyo muhiim ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Madaxweynaha iyo Madax-dhaqameedku isla soo qaadeen Xaaladda Xisbiga Kulmiye iyo loolanka ka dhex taagan siyaasiyiinta Beeshaa ka soo wada-jeeda ee Xukuumadda ku jira.

Warku wuxuu intaa ku darayaa, in Madax-dhaqameedka oo kulanka ay la yeesheen Madaxweynaha ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirrada Arrimaha gudaha, Dastuurka, biyaha iyo Caafimaadka, ay Saddex Suldaan u saareen inay Madaxweynaha u gudbiyaan Mawqifka Salaadiinta Beesha Bariga Burco ee la xidhiidha Xaaladaha taagan ee ku saabsan Xisbiga, laakiin arrimaha laga wada-hadlay Go’aamintooda iyo sii faahfaahintooda lagu heshiiyey in kulan labaad ay yeeshaan Madaxweynaha iyo Madax-dhaqameedku.

Kulanka Madaxweynaha iyo Beesha Bariga Burco, ayaa ku soo beegmaya xilli doorashada Madaxtooyada ay ka hadhay muddo kooban isla-markaana Siyaasiyiin badan oo Beeshaa ka soo jeeda oo saamayn ku lahaa Xisbigaasi laga saaray, sida Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, halka Siyaasiyiin kalena ka baxeen oo ay ku biireen Xisbiyada Mucaaradka ah, laakiin waxaan illaa hadda la garanayn waxa kulankani ka beddeli doono arrimahaa kor ku xusan.

 

Geeska.net/Hargeisa Office