Guddoomiyaha Cusub Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI Oo Ka Digay Inay Doorashada Madaxtooyadu Dib U Dhacdo

0
391

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka digay inay Doorashada Madaxtooyadu dib u dhacdo, waxaanu tilmaamay inay wax walba oo Doorashada ku saabsan inay Komishanku u gudbiyeen Madaxweynaha, balse haddii ay Doorashadu dib u dhacdo uu Madaxweynuhu masuul ka yahay.

Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo Shalay hadal ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay Hargeysa, ayaa wuxuu yidhi  “Doorasho ayeynu u soconaa ee Doorshadii aynu diyaarino, Madaxweynaha waxaa laga sugayaa oo la yaalla  Komishanka codsiguu u soo diray , siday warbixinta ay inagu siiyeen ee ahayd inay qorshihii Doorasho soo gudbiyeen, iyo sidoo kale miisaaniyaddii Doorashada inay labadaba soo gudbiyeen, Miisaaniyaddii Doorashada lagu qaban lahaa way soo gudbiyeen oo Madaxweynaha ayey la taallaa, qorshihii Doorashada lagu qaban lahaa iyo wakhtigiina Madaxweynaha ayuu la yaallaa, haddii ay ku habsaanto meeshiisa isaguun bay ku habsaantay, inagu’se waxaynu leenahay reer Waddani iyo Somaliland oo dhan Doorasho aynu isku diyaarino qorshaheedii iyo hanaankeedii aynu la nimaadno..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office