Diblumaasi Maraykan Ah Oo Sheegay Inay Fiicnaan Lahayd In Somaliland Lagu Daro Shir Ay Ka Qayb-galayaan 111 Waddan

0
500

USA (Geeska) – Safiirkii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Dalalka Itoobiya iyo Biniin Amb. Timbor Nagy, ayaa ka hadlay Shir lagaga hadlayo Dimuqraadiyadda oo Madaxweynaha Maraykanku uu bishan sagaalkeeda qabanayo.

Shir-madaxeedkan, ayuu sheegay inay ka qayb-galayaan illaa 111 Waddan, kuwaasi oo ay ku jiraan 17 Waddan oo ka mid ah Afrika, laakiin wuxuu uu jeclaan lahaa in Somaliland lagu daro Dalalka lagu marti-qaaday ee Taiwan ka mid tahay.

Qoraal uu Ambassador Timbor Nagy ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka, ayuu ku yidhi  “Waxaan ku faraxsanahay in Madaxweyne Biden uu Taiwan ku martiqaado Shir Madaxeedka Dimuqraadiyadda ee dhacaya 9-ka December, iyada oo ay weheliyaan 111 waddan, oo ay ku jiraan 17 ka socda Afrika…”

Timbor Nagy, wuxuu sheegay in Somaliland lagu daro Dalalka Shirkan lagu marti-qaaday, maaddaama oo ay tahay Qaran wax qaban kara “Qarankan yar ee Somaliland waa lagu dari lahaa (Dalalka lagu marti-qaaday Shirka), marka la eego sanadkan ku xun dimuqraadiyadda awgeed…”

Geeska.net/Hargeisa Office