Muxuu Daaran Yahey Socdaalkan Kadiska Ah Ee Madaxweyne Silaanyo Looga Yeedhey Imaraatka Carabta ?

1
634

 

Picture1Markeynu dib ujeleecno muddada seddexda sano ku dhaw ee ay jirtey dawladda Madaxweyne Silaanyo ,wa marki u horreysey ee dawlad Carbeed diyaarad khaas ah  u soo dirto  si boqasho ugu tago dalkeeda( Imaraatka Carabta).

Haddaba su’aasha mudan boqolka milyan ee shacabka S/L meel walba isku weydinayaan, wa maxey danta intaa le’eg ee dawladda Imaraadka innaga soo galey ? .

Madaxweyne Silaanyo  shirkisi ja’raaiid ee u ku qabtey Airportka Berbera mu sheegin ujeeddada socdalkisa u ugu baqolayo dawladda imaraatka, ee si dul mar ah ayu yidhi’’ danaha S/L ayaanu u tageyna’’taaso ka baxsan curfiga iyo brotokolka diblumaasiyadeed ee wafdi marka u dal shisheyey boqanaayo oo ah  in marka hore inta aanu wafdigu dalkisa ka bixin in la isla meel dhigo ajandaha shirarka la galaayo , cidda lala gelaayo, waqtiga iyo meesha kulamada lagu qabanaayo .Haddaba haddalkan madaxweyne Silaanyo waxu mujineya laba mid un,wa ta hore e’ iney xukumadisu ku jirto jahawareer iyo aqoon darro siyaasadeed sida baryahanba ka muqatey.

Wa ta labaad eh (Ilaahey kama dhige e’),wey og yihin ajandaha shirka loogu yeedhey ee wey innaga qarinayaan!!

Haddaba marka hab dhaqanka siyaasadeed ee xukumadda Silaanyo sidaa yahey oo aaney wax xog ah siineyn shacabka S/L  iyo qeybihi kale dawladda,miyaanu dhaqankaasu meel ka dhac ku  aheyn nidaamki dimuqraadiga aha ee check and balance ku saleysna ee transpancy iyo free flow of information saldhig u yihiin ,maah maah somaaliyeed ba tidhaa’’nin hagoog xumi inu wax qarsanaayo ba la mooda’’,

.Haddaba bal aan kuso dhawaado dulucda maqaalkeygan  maxey noqon karta ujeedada loogu yedhey madaxweyne Silaanyo dawladda imaraadka .

Dawladdaha khaliijka carabta (waxa loo yaqaana petro dollars countries) ee hodanka ku ah saliidda petrolka waxey xidhiidh dhow oo nabadgelyo,military iyo ganacsi la leyihin dawladdaha reer galbeedka gaar ahaanna Ingriska iyo Mareykanka ,haddaba madaama u madaxweyne Silaanyo diidey ka qeyb galka shirka London ee Somalia loo qabanaayo marki oloole xoog leh kaga yimid qeybaha kala duwan ee shacabka  S/L.oo aan anigu ka mid aha dadki ugu horeye ee ku tilmaamey ka qeyb galka shirkaa London khayaamo qaran,aya waxey bilaabeen reer galbeedku iney soo ciyaarsiyaan dawladdaha gacanka ee ay dusha ka ilaaliyaan gaar ahaan baryahan dambe oo dabeelaha gu’ga Carabtu xoog u ruxayaan wadamadooda,iyago Carabtu doonayaan iney madaxweyne Silaanyo iyo xukumaddisa ka laalushaan masiirkeni goni isu taaga S/L si u dib uga noqdo go’aanki u ku diidey inu ka qeyb galo shirka London iyago ku andaconaya iney magdhow dhaqaale S/L ka siin doonaan, wixi dhib iyo burbur ee midnimadi ka soo gaadhey (Talow xaggey joogeen 22sano ee aynu darxumada iyo silica la soo rafaadeyney?) .

Haddaba su’aasheyda u dambeysa waxey tahey wafdigan balaadhan ee habqanka ku tagey  ee u hoggaaminaayo madaxweyne Silaanyo ee intooda badani u socota gacan maris iyo dalxiis ma innaga caabin karaan shirqoolada intaa le’eg ee la inno maleegayo ?.

 

  Eng.Bashe Cabdi Gaboobe.Guddoomiyehi hore kulmiye ee ololaha doorashada  madaxtooyada saddexda gobol ee galbeed .

Comments are closed.