Madaxweyne Siilaanyo Oo Sheegay Inay Somaliland Iyo Imaaraadku Isaga Soo Dhawaanayaan Intii Hore Iyo Nuxurka Kulankii Shalay Ee Weliyul Cahdiga Abu Dhabi

0
617

 

434344Hargeysa(Geeska)-Weftigii uu hoggaaminayay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ee ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta, ayaa shalay galab kulan la yeeshay Sheekh Maxamed Binu Zaayid Al-nahyaan, oo ah weliyul Cahdiga imaaraata Abu Dhabi, isagoo Madaxweynuhu hore ula kulmay wasiirka madaxtooyada Sheekh Sh. Mansuur Binu Saa’id. Madaxweyne Siilaanyo ayaa boggiisa Twitterka ku sheegay inay labada dal iskaga soo dhawaanayaan intii hore.

Ma jiro wax war ah oo uu weftiga Somaliland ka soo saaray kulankaas, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in Sheekh Maxamed, uu Madaxweyne Siilaanyo u sheegay inuu wax ka qaban doono codsiyadooda la xidhiidha dhinaca mashaariicda iyo horumarinta, waxaanu sheegay inuu si gaar ah u xiisaynayo arrimaha ganacsiga, isagoo intaas raaciyay inay Somaliland u soo diri doonaan koox qiimayn ku soo samaysa mashaariicda ay Somaliland doonayso in laga caawiyo.

Ka sakow mashaariicda ay xukuumadda Somaliland dalbatay in wax lagala qabto horumarintooda, ma jiraan wax siyaasad la xidhiidha oo ay labada dhinac ka wada hadleen. Sida ay ilo xogogaali u sheegeen Geeska Afrika, wasiirka iyo sheekha kale ee  Imaaraadka Carabta ee la kulmay Madaxweyne Siilaanyo, uma sheegin ujeedada rasmiga ah ee ay u martiqaadeen Madaxweynaha Somaliland, ilaa haddana Somaliland iyo Imaraadku kamay wada hadal wax siyaasad la xidhiidha, waxaanay u muuqdaan inay weftiga Somaliland joogayaan dalkaas dhawrka maalmood ee soo socda.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa farriin kooban oo lagu qoray bogga uu ku leeyahay Twitterka, wuxuu ku yidhi “Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu waxay yeelan doonaan xidhiidho diblomaasiyadeed iyo dhaqaale oo intii hore isaga dhow, kaas oo labada dalba faa’iido u ah.”

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isna 28 March socdaal ku tagi doona dalka Imaaraadka Carabta, si rasmi ahna looma oga inuu la kulmi doono Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo hore u beeniyay inay kulan ku yeelan doonaan dalkaas.