Muwaadiniin Raadinaya Madaxweynahoodii Oo Ay Ugu War Dambaysay Bil Ka Hor Isaga Oo Joogay Maraykanka

0
582

1Lilongwe (Geeska)- Madaxweynaha dalka Malawi oo 16kii Bishii Sabtembar ka ambabaxay dalkiisa si uu uga qaybgalo kulankii guud ee jimciyadda Quruumahaka dhaxaysa ayaa aan weli dalkiisa dib ugu soo noqon, warbaahinta iyo dadka caadiga ahina aanay wax war ah ka haynin halka uu ku dambeeyey geeri iyo nolol.

Madaxweyne Peter Mutharika oo markii aragtidiisa iyo warkiisaba ugu dambaysay ay ahayd 26kii Isla bishii Sabtembar oo uu khudbad ka jeediyey fadhiga golaha guud ee Qaramada Midoobey oo isla maalintaas dhammaaday ayaa maqnaanshiyihiisa aan warka laga haynin ay warwar badan ku abuurtay dadka dalkiisa, waxa aana magaalooyinka muhiimka ah ee dalka oo ay caasimaddu ugu horreyso ku faafay in madaxweyne Peter Mutharika  oo dalka xukumayey tan iyo sannadkii 2014ka, da’diisuna 76 sano jir ahayd uu qabay xanuun khatar ah, sidaa awgeed qalniin qarsoodi ah uu ku galay dalka Maraykanka oo uu marka hore ku tegey marmarsiinyaha ka qaybgalka kulanka guud ee Qaramada Midoobey.

Isniintii toddobaadkan ee bishu 10 ahayd ayaa wasiir ka tirsan xukuumadda Malaawi uu bogga xukuumadda dalkaasi ay ku leedahay bar-kulanka bulsho ee Facebook waxa uu ku baahiyey digniin ku jihaysan muwaadiniinta uu ku eedeeyey in ay warar ku-tiri-ku-teen ah ka faafinayaan waayidda madaxweynaha, waxa aanu ku hanjabay in arrintaas ay ku mutaysan doonaan tallaabooyin sharci oo laga qaado. Wasiirku waxa uu shacabka Malaawi ugu baaqay in ay ka fogaadaan wararka la isla dhex marayo, waxa aanu ku dooday in madaxweyne Peter Mutharika  xaaladdiisa caafimaad aad u fiican tahay.

Wasiirku war-murtiyeedkan uu ku faafiyey Facebook waxa uu ku sheegay in warar aan sax ahayn oo laga sheego caafimaadka madaxweynuhu ay tahay dembi aanay xukuumaddu ka gabban doonin in ay ka jawaabto, isaga oo tilmaamay in wararkan looga jeedo in muwaadiniinta lagu abuuro cabsi iyo xasilooni darro.

Si kastaba ha ahaato ee qarsoomidda madaxweynaha Malaawi ee lagu waayey dalka Maraykanku waxa ay noqotay arrin yaab leh, waxaa se’ iyaduna ka sii yaab badan in xukuumadda dalka ka talisaa aanay illaa hadda oo wararkaas tirada badan la isla dhex marayo soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaya in madaxweynuhu bad-qabo, marka lagatago war-murtiyeedkan aan sawirrada wadan.

Arrinta xiisaha leh ayaa ah in dadka reer Malaawi isla markii uu wasiirku war-murtiyeedkan ku faafiyey Facebook ay ka bixiyeen faallooyin tiro badan oo ay ku hoos qoreen warka wasiirka, kuwaas oo ay ka mid tahay in qarinta ay xukuumaddu qarinayso xaaladda caafimaad ee madaxweynuhu ay sabab u tahay in warar ku-tiri-ku-teen ah la faafiyo. Waxa aanay muwaadiniintani dalbadeen in la caddeeyo xaaladda uu madaxweyne Peter Mutharika  ku sugan yahay iyo hawlaha rasmiga ah ee uu hadda u joogo dalka Maraykanka. Safaaradda uu dalka Malawi ku leeyahay Maraykanka oo qudheedana arrintan wax laga weydiiyey ayaa ka gaabsatay in ay wax faahfaahin ah ka bixiso.

Muwaadiniinta Malawi intan kuma ay joogsan ee sidoo kale waxa ay bar-kulanka bulsho ee internet ka ee Twitter k aka sameeyeen bog ay ugu magac dareen, #BringBackMutharika  (Soo Celiya Mutharika) iyaga oo canjilaya, Hastaggii #BringBackOurGirls ee ay dadka reer Nigeria u sameeyeen hablihii ardayda ahaa ee ururka Boko Xaraam afduubay. Dadka mid kam id ah ayaa isna ka codsaday madaxweynayaasha Maraykanka iyo Ruwanda in ay soo sheegaan, haddiiba ay wax war ah ka hayaan madaxweyne qaran oo la waayey.

Waxaa jira cabsi laga qabo in madaxweyne Peter Mutharika oo walaalkii oo madaxweyne ka ahaa dalka Malawi uu sannadkii 2012ka u dhintay wadne xanuun uu isaguna ugu yaraan baadhis caafimaad ugu dhuuntay Maraykanka.