Muwaadin Xukuumadda Ugu Baaqay In Wax Laga Qabto Baabur Uu Leeyahay Oo 20 Sanno Laga Haysto

0
492

Picture2ah oo uu 20 sanadood ka hor xaday ninka la yidhaahdo Aaden Maxamed (Laba-raad), waa in maxkamadda sharciga ah la mariyaa, waxaan doonayaa in Wasiirka arimaha gudaha, Golayaasha Wakiilada iyo Guurtidu inay arinkaygaa si wanaagsan u eegaan oo ay u lafa-guraan, waanan dulmanahay, sidaa daraadeed waxaan doonayaa in ninkaasi Maxkamada sharciga ah la ii geeyo.

Waxaanan u baahanahay inuu ii keeno lacagtaydii oo dhan, faro madhana waxaan ka ahay wixii iiga soo bixi lahaa iyo wixii aan galiyeyba labaatankaa sanadood ee uu haysto.

Maaha inaanu is-eegano maadaama oo aan aniguna Hargeysa joogo, isaguna uu Hargeysa joogo,in badan-baan xeer jajab ku soo waday oo aan tolkii iyo salaadiinba u geeyay , dhagna jalaq way u siin waayeen, inkasta oo aabihii oo bil ka hor dhintay uu ku yidhi kol haddii aan dhimanayo nimankaa xoolahoodii oo dhan u geeya, taasi oo ay diideen oo ay ku xidheen lacag dhan $ 60.000 doolar.

Aniga oo Hargeysa u dhashay in halkaa xoolahaygii lagu haysto uma adkaysan karayo, mana dhacayso, markaa Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka waxaan ka codsanayaa in lana soo kala gaadho.