Ma Dhabaa In Taliska Aagga Bari Ee Ciidanka Qaran Loo Magacaabay Maxamed Xudhuun?

0
582

Picture1Hargeysa(Geeska)- Taliyaha guud ee ciidamada qaranka sareeye gaas Ismaaciil Shaqale, ayaa la sheegay inuu taliyaha aagga bari ee ciidanka qaranka u magacaabay Md. Maxamed Cismaan Xudhuun, oo ahaan jiray taliyihii ciidamada qaranka ee gobalada Awdal iyo Selel.

Inkastoo aanu warkani si rasmi ah u soo bixin, haddana warar xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in taliye Shaqale uu go’aansaday in Xudhuun loo magacaabo jagadan oo uu Alle haw naxariiste baneeyay Marxuum Maxamed Cabdi Aadan (Dhancade) oo bishii April ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Taliska ciidanka qaranka iyo Maxamed Xudhuun oo aanu isku daynay inaanu warkan magacaabista ka xaqiijino ayaanay noo suurtogelin. Laakiin aagga la sheegayo in loo magacaabay Xudhuun ayaa ah aag muhiim u ah Somaliland. Xudhuun wuxuu hore u ahaan jiray taliyaha ciidamada qaranka ee Awdal iyo selel, laakiin xilkaas waa laga fadhiisiyay.