Wiilkii Reer Falastiin Ee Ay Israa’iil Dishay Oo La Aasay

0
521

Picture2Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa ka qaybqaatay aaska wiil yar oo bariga Qudus lagu dilay horaantii toddobaadkan.

Dadka aaska ka qayb qaadanayay ayaa socod ku dhex maray waddooyinka magaalada Qudus iyagoo wada maydka Maxamad Abu Khudayr, iyo calanka maammulka Falastiiniyiinta.

Waxay ku dhawaaqayeen halkudhagyo looga soo horjeeda dowladda Isra'iil.

Qoyska wiilkaasi yar waxay aaminsan yihiin in dilka wiilkoodu yahay aargoosi ku saabsan saddexdii dhallinyaro ee reer Isra'iil ee la afduubay kaddibna la dilay bishii hore. Dilkaasi waxaa uu kiciyay xiisaddii ugu waynayd in muddo ah.

Booliska Israeli ayaa ammaanka adkeeyay markii ay shacabka Falastiin isugu soo baxeen aaska wiilkaas geeriyooday.

Booliska Israeli ayaa adkeeyey amniga iyagoo filayay inay dhacan banaanbaxyo hor leh kadib markii la aasey Mohammed Abu Khudair.

Asxaab iyo xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa wiilkan yar ku aasey qabuuro ku yaalla xaafadda ay Carabta deggan yihiin ee Shuafat.

Meydka Khudair waxaa laga heley keyn ku taalla Jerusalem maalintii Arbacadii hore, saacad kadib markii si qasab ah gaadhi ku saareen rag afduubay oo aan weli haybtooda la garan.