Gudidda Xaafada Sheekh Nuur Iyo Hay’adda Tostan Oo Wada Jir U Qabtay Kulan Wacyigelineed

0
470

Picture1Hargeysa(Geeska)-Gudidda xaafada Sheekh Nuur ee hargeysa iyo haayada Tostan International ayaa si wada jira ah  wacyi galin ka dhan ah tacadiyada caruurta iyo gudniinka fircooniga ah uga fuliyay xaafada Sheekh Nuur ee magaaladda Hargeysa.

Wacyigalintan ayaa ahayd mid heer sare ah oo dadka xaafadaas oo u badan danyar lagu wacyi galinaayay sidii ay meesha uga saari lahaayeen tacadiyada ka dhanka ah caruurta iyo sida oo kale gudiinka furcooniga ah oo dhibaato ba’an ku haya caafimaadka guud ee haweenka.

Xaflad balaadhan oo wacyigalintaa loogu qabtay isla xaafaad waxa ka soo qaybgalay masuuliyin ka socota haayda Tostan International,wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada,gudida xaafada Sheekh Nuur iyo ururada dhalinyarada ee xaafadaas.

Muuna Casayr oo ah isku xidhka wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada iyo haayada Tostan International  oo halkaas ugu horayntii ka hadashay, ayaa dadka xaafada Sheekh Nuur ugu baaqday inay dushooda saaran tahay sidii ay u wanaajin lahaayeen nolsha ubadkoodu, waxaanay ugu baaqday inay meesha ka saaraan dhibaatooyinka ubadka loo gaysto oo ay ka mid yahiin gudniinka fircooniga ah oo ay sheegtay inuu dhibaato xoogan ku yahay nolsha haweenka.

Guddoomiyaha waaxda nabad galyada ee degmadda Gacan libaax Maxamed Cismaan Badeed, ayaa isaguna dhankiisa dadka xaafadaas ugu baaqay inay ka dheeraadaan dhibaataynta ubadka,isla markaasna meesha ka saaraan tacadiyada ka dhanka ah caruurta ee uu gudniinka fircooniga ah ugu horeeyo.

Taliyaha xaafada Sheekh Nuur Xariir Cilmi Xujaale ayaa daboolka ka qaaday inay talaabo ka qaadayaan dadka ku kaca tacadiyada ka dhanka gudniinka fircooniga ah, ayna xidhidoonaan dadka ay ku arkaan iyaga oo ka shaqaynaaya gudniinka fircooniga ah.

Guddoomiyaha xaafada Sheekh Nuur Saleebaan Samatar Ibraahin oo isaguna xafladan wacyigalinta ahayd ka hadlay waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Xaafad ahaan aynu u bilawno Hargeysa inaan joojino gudiinka fircooniga ah,waa in aynu meel iska dhignaa tacadiyada ubadka aynu kula kacayno gaar ahaan hablaha yar  yar, talaabo ayaanu ka qaadi doonaa dadka ku shaqaysta gudniinka fircooniga ah,waana inay dadka arimhaas ku shaqeeyaa ay isa soo diiwaangaliyaan si aan shaqooyin ugu raadino.”

Ugu danbayntii Ayaan Cumar Axmed oo ku hadlaysay afka haayada Tostan International ayaa iyaduna xafladaas wacyigalinta ahayd ka tidhi “Waxaanu u joognaa halkan ilaalinta xuquuqda caruurta,waxay wax u qabshada ubadku ka bilaabmataa marka uu dhasho,waana in la ilaaliyaa ilmaha marka uu dhasho ilaa inta ay nolashiisu istaagayo,in aan loo dirin shaqooyinka aanay awoodin,in laga shaqeeyo caafimaadkooda iyo talaaladooda, waana in aynu meesha ka saarno gudniinka fircooniga ah.”