Muuse Biixi Oo Reer Djibouti Ku Hambalyeeyay Heshiiska Xukuumada Iyo Mucaaradka

0
503

Picture3Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa madaxweynaha Djibouti iyo madaxda mucaaradka Djibouti u diray hambalyo la xidhiidha heshiiska ay dhawaan wada gaadheen.

Warsaxaafadeed uu Muuse Biixi soo saaray, wuxuu ku yidhi sidan

“Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , ka hogaanka xisbiga, Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geele, Madaxda Mucaaridka Jabuuti, iyo dhamaan shacabka reer Jabuuti, isagoo ku hambalyaynaya Heshiiska ay gaadheen maxawaynaha Jabuuti iyo mucaaradka wadankaasi.

Gudoomiyuhu wuxuu heshiiskaa u arkaa mid wax-tar u leh midnimada iyo horumarka reer Jabuuti iyo guud ahaan mandaqada Geeska Afrika.

Gabagabadii wuxuu Salaan iyo Hambalyo udirayaa Madaxwaynaha Jabuuti iyo shacabkiisa Curashada sanadka cusub ee miiladiga, isagoo u rajaynaya in sanadkan kiisa ku gaadhan Nabad iyo Horumar.”