Cisbitaalka Edna Oo Qaliino Loogu Sameeyay 23 Haween Ah Oo Uu Haleelay Xanuunka Isku Furanku

0
714

Picture4Hargeysa(Geeska):-Todobaadkii ugu danbeeyey ayaa waxa 23 dumura oo uu ku dhacey xanuunka Isku-furanka ee haleela haweenka qaliin bilaa lacag ah loogu sameeyey cisbitaalka weyn ee Edna Aadan Hospital, iyadoo qaarkood laga soo bixiyay lacagta ay diyaaradda ku soo raaceen, iyagoo ka yimid magaalada Muqdisho ee wadanka Somaliya.

Bukaanadan qaliinka loo sameeyey ayaa iskaga kala yimi dalalka Somaliland, Somaliya iyo Itoobiya, iyada oo dalka Somaliya ay ka yimaadeen 19-haween ah oo xanuunkani hayo, waxaana qaliin loo sameeyey 16-haween ah halka saddex-da kalena dib loogu dhigey in wakhti xaadirkan qaliin loo sameeyo.

Dr:Shukri Maxamed Daahir Xirsi oo ka mid ah dhakhaatiirta ku tukhasusay xanuunada guud ee ka hawl gasha cisbitaalka Edna Aadan oo wargeyska Geeska Afrika ka waraystay xaalada bukaanadan ay qaliinada u sameeyeen.ayaa waxaa ay ugu horeyn sheegtay in guud ahaanba tirada dadka ay qaliimada u sameeyeen ay xaaladooda caafimaad ay aad u fiican tahay.waxaa kale oo ay faah faahin ka bixisay qaliinka ay u sameeyeen dadkan bukaanka ah, iyo sida oo kale meelaha ay ka kala yimaadeen. "Aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin booqashada aad na soo booqateen ee cisbitaalka Edna Adan Hospital,Intaa ka dib horta muddo imika dhawr iyo toban cisho ah waxaa aanu aad ugu mashquulsaneyn sameynta qaliimada dumarka uu ku dhacey dhibaatadan la yidhaahdo isku-furanka, waxaanu samaynay isugeyn ah Saddex iyo Labaatan ayaa wax loo qabtey muddii tobanka cisho ahayd ee u danbeysay. Markaa Muqdisho ayaa laga soo helay bukaano aad u badan oo xanuunkani aad u hayey, dhibaato weyna ku ah, deedna dadkaa bukaanada ahi waxaa ay sida caadada ah ay u soo doontaan caafimaad wadankan ay jaarka yihiin ee Somaliland, deedna waxaa ka yimi 19-dumara oo u baahan caafimaad. markaas 16-ka mid ah waxbaa loo qabtey saddex ka mid ahina Uur ayaa ay lahaayeen deedna waxaa ay u baahan yihiin in marka ay soo dhalaan ka dib ay soo noqdaan, waxaana guud ahaanba tirada aanu samaynay ay ahay 23-dumara, todoba ka mid ahi waxaa ay ahaayeen dumarkii ka kala yimi Itoobiya iyo Somaliland, iyada oo tiraba dee 23-dan bukaan ee wax loo qabtey ay ka kala yimaadeen wadamada Somaliland, Itoobiya iyo Somaliya, runtiina caafimaadkoodu waa uu wada fiican yahay dhamaantood, hadii aan sii tilmaamo kuwa Somaliya ka yimi waxaa inala jooga 16-haweena,16-kuna aad ayaa ay u fiican yihiin, qaar kood ayaa imika ku dhow in dhawaanahan la diro oo bogsadey inkalena xoogey ayaa ay inala sii joogi doonaan, markaa runtii maansha Allah aad ayaa u fiican yihiin oo wax dhibaato ah oo la soo gudboonaatay ma jirto"Ayey tidhi Dr:Shukri Maxamed Daahir.

Dr: Shukri Maxamed Daahir oo sida kale hadalkeeda sii wadata ayaa waxaa ay faah faahin ka bixisay waxa uu yahay xanuunka Isku-furanka ah, iyo sida oo kale waxyaabaha keena xanuunkani, waxaana ay tidhi."Xanuunka isku-furanka xiliga dhalmada oo hooyadu marka ay foosha badiso, waxaa jirta in ay si kale oo looga dhaliyo ay jirto ama looga umuliyaa oo ah in qaliin loo sameeyo, markaa hooyada hore loo ogaan waayo ee ay fooshu ku dheeraato, sida ay dadku caadada ka dhigtaan ee ah Afar cisho ayaa ay foolanaysay heblaayo ama aan foolanaayey, taasi waxaa ay keenaysaa in ay burburiso xubnaha taranka deedna meelaha uu isku furanku ka yimaado ama saxarada iyo kaadida in qofba uu wax la yimaado ama saxarada ama kaadida amaba dee labadaba, waxaana keenaya dee waa foosha dheeraatay, ee cidna wax uga qaban kari weyday amaba dee aanay tagin meel caafimaad oo wax loogaga qaban lahaa waana ta keenaysa in uu xanuunkani in badan uu ka jiro Afrika.haddii umulisooyin badan la toobabarana xanuunkani waa uu yaraan lahaa oo iyaga ayaa xanuunkan soo gudbiya".

Marwo:Shukri Maxamed Daahir  oo sida oo kale wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey waxyaabah sababta soo noq noqoshada xanuunkan ayaa waxaa ay tidhi:"Haa waa run oo xanuunkani aad ayaa uu u soo noq noqdaa, waliba intan la bilaabey tobobaradan dhinaca bahda caafimaadka wey ka fiican yihiin, laakiin wadamada kale ee aynu jaarka nahay sida Somaliya iyo Itoobiya oo intooda badan ay bukaanadu inooga yimaadaan walibana Somaliya uu aad ugu badan yahay, waxaana keenaya umuliso tobaran oo ku filan oo wax u qabata ayaan jirin, markaas taas ayaa keenaysa in xanuunkani uu soo noqnoqdo. maadaama ay umulisooyinku ay soo helaan in bukaankani uu u baahan yahay gargaar dheeraad ah, oo u soo gudbiya dhakhaatiirta waayo dhakhaatiirtu iyagu inta badan dee ma soo helaan oo cida u soo gudbisaa waa umulisooyinka. umulisooyinkana haddii aan la tobabarin oo aan wax la barina ma soo gudbinayso. markaa runtii taas ayaa sabab wali u ah in uu xanuunkani ka sii jiro wadamo badan oo Afrika ah".

Ugu danbeyntiina Dr:Shukri Maxamed Daahir waxaa ay fariin caafimaad u dirtay guud ahaanba bulshada, waxaana ay ugu baaqdey in bulshada reer Somaliland ay wakhtiyada haweenku ay ku jiraan xiliga foosha in ay yimaadaan goobaha caafimaadka si wax badan looga taro baahiyaheeda caafimaad. "Fariinta aan gudbinaayo ka dhakhtar ahaan waxa weeyaan kuwa aan xanuunkan Isku-furanka la kulmin in marka ay foolanayaan ay tagaan meelaha caafimaadka oo ay ku fooshaan,kuna umulaan si looga hortago dhibaatadan, kuwa ay dhibatadani haleesheyna ay yimaadaan goobaha caafimaadka, oo waxbaa loo qaban karayaa waana la caawin karayaa oo aaney wali guryaha joogin oo aanay ka khajilin, dhibaatadan. markaa bulshada intaas ayaan u gidbinayaa Insha Allah"Ayey tidhi Dr:Shukri Maxamed Daahir.

Dhinaca kale wargeyska Geeska Afrika waxaa u suurta gashey in uu booqdo qaar ka mid ah haweenkii bukaanka ahaa ee qaliinka loogu sameeyey cisbitaalka Edna Aadan Hospital, waxaana ay Cadey Maxamed Xasan oo ka timi magaalada Xudun ee dalka Somaliya tilmaameysaa sida ay ugu faraxsan tahay qaliinka loogu sameeyey cisbitaalka Edna Aadan Hospital, waxa kale oo sida hada ay tahay xaaladeeda caafimaad.

“Anigu halkan waxaan ku jirey Shan Cisho, caafimaadkaygu waa boqolkiiba boqol oo aad ayaa uu u fiican yahay, oo waxaan ka imi xudur, markaa hada xaalkayga caafimaad aad ayaa uu u fiican yahay, waxaanan rajaynayaa caafimaad iyo nabad haddii Alleh yidhaahdo”Ayey tidhi Cadey Maxamed Xasan.