Muuse Biixi Oo Meel Adag Iska Taagay Shirka Dood-Qaran Ee Xisbiyada Mucaaradku Baaqeen Iyo Fariinta Uu U Diray Guddoomiyaha Wakiilada

0
599

Picture5Hargeysa(Geeska) – Gudoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee  KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi,ayaa si adag uga hor yimid shirka dood qaran ee ay ku hawlan yahiin qaban qaabadiisa xisbiyada mucaaradka ah.

Gudoomiye Muuse Biixi, waxa uu xisbiyada ku eedeeyay inay boobayaan awooddii dastuurku siiyay Madaxweynaha, waxaanu si adag ugu cel celiyay in aanay aqbalayn in shir qaran ay isugu yeedhaan xisbiyada mucaaradka ah, balse uu isugu yeedhi karo oo kaliya Madaxwaynaha qaranku, isaga oo dhinaca kalena sheegay in aanay diidanayn wadatashi.

Sida oo kale waxa uu dhaliilo tiro beel ah u soo jeediyay Gudoomiyaha golaha wakiilada, ahna gudoomiya xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Guddoomiye Muuse Biixi oo shalay ka hadlayey Munaasibad xisbigiisu ku soo dhaweynayey xildhibaano Golaha Wakiilada oo ku biiray, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya qaban-qaabada shirwaynaha Kulmiye, ayaa wuxuu yidhi “Shirka xisbiga KULMIYE inuu guux bato waa waajibka shirka loo qabnayo iyo hawshiisa, shirkani waxa uu qorshayn doonaa siyaasada dalka Somaliland oo saamaynaysa ilmaha caawa dhashay iyo ka ugu da’da weyn, kuwa Geela iyo Lo’da raaca, ka qurbaha jooga, ka PhD-ga sita, maalqabeenka iyo ka tuugsadaba, waxa laga hadlayaa nolashoodu sida ay noqon doonto shanta sano ee soo socda, waa shir ka hadli doona qodabbada ugu muhiimsan ee noloshu ku fadhido, oo ay kow ka tahay in dadka Somaliland uu midoobo, waxa uu qorshayn doonaa amniga dalka si uu qof kasta oo reer Somaliland ah uu amni ugu seexdo oo aanay Kaneeco mooyaane wax kale ka baqan,isaga oo isku huba in xukuumaddii uu doortay ay amnigiisa sugayso. sida oo kale inuu sugo amniga Geeska Afrika ee aynu maanta ku nool nahay, inuu is dhex gal xag ganacsi iyo xag nabadgalayaba la yeesho dawladaha jaarka ah ee aynu ood wadaagta nahay,ee alle isku keen ag uumay, inuu arimahas hirtgaliyo ayaa shirkan lagu falan qayn doonaa”

Muuse Biixi oo sii hadlaya waxa uu sheegay in shirka Kulmiye ay umadda oo dhami eegayso “Ummadda Somaliland oo dhan ayaa shirkan eegaysa oo ka hadlaysa oo fikirkeeda keenaysa, waa khasab in laga doodaa,waa khasab inuu guux bataa, midna waa la hubaa oo waanu idiin balan qaadaynaa in iyada oo shirkaas la midaysan yahay oo waxii dhaliil ah oo dhan la saxay,waxa hubaal ah oo aydaan war war ka qabin xisbiga Kulmiye hogaankiisa iyo odaygiisa Nalsan Mandelaha Somaliland (Madaxweynha) ee halkan inoo fadhiya, inaydaan war war ka qabayn mustaqbalka soo socda KULMIYE inuu dalka horumariyo mooyaane inuu dhexdiisa is qabsado” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, waxaanu intaasi ku daray isaga oo la hadlaya Axsaabta Mucaaradka ah “Xisbiyada mucaaradka ah waxaanu leenahay waxa aynu ku soconaynaa oo inoo dhex ah dastuurka qaranka, qodobkiisa sagaalaad lama dhamayn karo oo isagaa inagu filan, waxa uu leeyahay siyaasadda dalka waxa lagu hagayaa talo wadaag, KULMIYE diyaar buu u yahay, xukuumaddiisu diyaar bay u tahay, xafiis kasta ninka mucaaradka ah intuu u tago ayuu u sheegi karaa dhaliishiisa oo uu talo u soo jeedin karaa, oo dastuurka ayaa faraya oo nina laga baryi maayo,Madaxweynuhuna waa la mid, Gudoomiyayaasha xisbiyadu waxay leeyahiin xasaanad iyo xishmad cid walba ay kaga mudan yihiin markay u baahdaan Madaxweynaha oo aanay meelna u marayn,waliba xisbiga Waddani, Gudoomiyahoodu waa ninka saddexaad ee dastuurku u ogol yahay hab maamuuska qaranka ee aanu nina kula tartami karin,Waxa nasiib daro ah ninkii saddexaad ee uu siiyay hab maamuuska dastuurku inuu inta uu hab maamuuskii iska dhigo uu yidhaahdo shir beeleed ayaan ku baaqayaa.”

Mujaahid.Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wataa wax auu yidhi “Gudoomiyaha baarlamaanku waa ninka shuruucda dajiya, waxa uu leeyahay awoodda uu ku kaantaroolo Madaxweynaha iyo wasiirrada isaga oo aan xisbiga Waddani-ba ka hayn gudoomiye ayuu leeyahay awood uu wixii talo ahaan ugu geeyo wixii dhaliilahna uu kaga qabto, labada gudoomiye ee labada aqal waa qolada hab maamuuska leh ee saacad kasta Madaxweynaha kicin kara, kowda habeenimo xataa isaga oo hurda, ee aan lahayn waan waayay iyo telefoon iigu dir.  Sidaas darteed labada xisbi mucaarad mar hadaanu ogal nahay wixii mucaarad tabanayayba inaan ka bogsiino oo aan u fadhiisano umadda waxaanu u sheegaynaa inaan talo wadaagii diyaar u nahay, inaan wada tashigii diyaar u nahay,haday taas diidaan iyagu, waliba waanu la daba soconaynaa oo waxaanu leenahay waar ka daaya”

Guddoomiyaha Kulmiye, waxa uu sharaxay qodobbada Dastuurka ee asxaabta ka diidaya inay shir qaran qabtaan “Qodobka kale ee xisbiyada mucaaradka ah noo dhexeeyaa waa dastuurka qodabka 90-aad, qofna ma dhaafi karo oo qaranka waxa matala Madaxweynaha, cid awooddaas la qaybsataa ma jirto, Madaxweynaha hada jooga waxa soo doortay xisbiga KULMIYE, isaga oo helay cod ku dhaw labadii xisbi ee markaas la tartamaayay, hadana Madaxweyne qaran muu ahayn ilaa ay ogalaadeen labadii xisbi ee kale oo ay ku ogalaadeen natiijadii doorashada, markii intooda lagu daray ayuu Madaxweyne qaran yahay oo uu u siman yahay kii soo doortay iyo kii kale, cid arintaas ku qabsan kartaa ma jirto, waxa kale oo uu Madaxweynaha siiyay qodabka sagaashanaad ee dastuurku inuu yahay astaantii qaranka, Cabdiraxmaan Cirro mar qarankuu matalaa oo waa gudoomiyihii baarlamaanka, shaadhkaas markuu dhigana Waddani ayuu matalaa oo qaranka ma soo faro galin karo, Faysal UCID ayuun buu matalaa oo qaranka uma gudbi karo oo sharcigaa hortaagan, sidaas darteed ma dhici karto nin qayb dalka ka mid ah xukuma inuu u gudbo awooddii Madaxweynaha ee qaranka oo dham midaynaysay, maxaa la isku hayaa Madaxweynuhu ma diidana in la wada tashado, KULMIYE-yana ma diidana, aniga oo ah gudoomiyahii KULMIYE  wali nimankaas mucaaradka ah imay odhan wax baa si ah xukuumaduna way nagu soo taag taagan tahaye naga qabo, maanan wada hadal, markaas shir qaran ayuunbaa lagu baaqayaa” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Labada xisbi ee mucaaradka ah waxaan u ogalnahay in ay na dhaliilaan, in qaranka wixii ay arkayaan ee wanaagsan ay keenaan, inay nala tartamaan oo ay dhaliisha oo dhan banaanka soo dhigaan,inay fikrado kuwayaga ka fiican umadda u sheegaan, laakiin waxaanu leenahay hawshii aanu u igmanay xukuumadda hadii aad ku faro galisaan oo aad qalad ugu tagtaan wixii xumaada idinka ayaa xumeeyay, nina laga yeeli maayo dastuurka oo badheedh ah ayaan jabinayaa,halkuu doono’ha joogee.nin xisbi furtay ama aqoonyahan ah markuu u badheedhayo awoodii qarankaan qaadanayaa waa ayo, yaa awooddaas isaga siiyay, sideebuu u qaadan karaa, ma umadda oo dhan ayaa la jiidhayaa, ma suurto galayso, maxaa la isku hayaa waa erayga “qaranka”,  labada xisbi shir siminaar ah ha qabsadeen haday doonaan, laakiin ma odhan karaan shir qaran,ma odhan karaan anagaa qoranka matalna, xuquuq ay leeyahiin oo loo diidayo maaha ee waa awood aanay lahayn oo ay doonanayaan, awood aanu lahayn iyo gardaro nin lagu taageeri maayo, waxaanu u sheegaynaa walaaladayo wixii kaleba aynu ku wada hadalno qaranka Madaxweynaha oo kaliya ayaa isugu yeedhi kara shir qaran,cid kale oo isugu yeedhi karta ma jirto, umaddana lagu jaah wareerin maayo, mucaaradka waxaan leeyahy aynu is maqalno dhagaha aynu furano,  xukuumadda  ha u gudbina ee noo kaalaya anagoo KULMIYE ah, hadii la idin daw marin waayo markaas dar jiidha, laakiin la idinka yeeli maayo waanu soo badheedhaynaa.”