Xoghayaha Kulmiye Oo Beeniyey In Guddida Fulinta Xisbigu Kulmeen Wixii Ka Dambeeyay Bishii Hore

1
632

Hargeysa (Geeska) – Xisbiga Talada Dalka haya ee Kulmiye, ayaa beeniyey in guddida fulinta xisbigaasi yeesheen kulan ka dambeeyay kii lagu cayimay tirada ergooyinka shirwaynaha ka qayb-galaya.

War-saxaafadeed uu shalay soo saaray xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf, ayaa lagu yidhi sidan “Waxa jiray war aan sal iyo raad toona lahayn oo lagu daabacay wargayska Waaheen oo lagu sheegay inay kulan isugu yimaadeen Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE , isla markaana go’aamo ay ka soo saareen u gudbiyeen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Haddaba, waxa uu xisbiga KULMIYE halkan ka caddaynayaa in aannu habayaraatee jirin shir ay isugu timi Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE oo ka dambeeyay kii qabsoomay 25/October/2013 oo ay ku goysay in tirada ergooyinka shirwaynaha 3-aad ee xisbigu noqoto 801 ergay.

Xisbiga KULMIYE wuxuu mar labaad caddaynayaa inuu warkaasi yahay mid been abuur ah oo ka mid ah wararkii xaqiiqada ka fogaa ee wargayska Waaheen dhaqanka u ahayd.

Comments are closed.