Haweenayda Ingiriis Ee Samantha Oo Ka Tirsan Ururka Alshabaab Ayaa Lagu Arkay Deegaan Xadka Somaliland U Jira In Ka Yar 30Km

0
527

naagHargeysa (Geeska)- Xogo sirdoon oo ay warbaahinta reer galbeedku heshay ayaa sheegaya in haweenayda Ingiriiska ah ee Samantha Lewthwaite oo ka tirsan ururka Alqaacida labadii bilood ee u dambeeyey laba jeer lagu arkay gudaha dalka Soomaaliya, waxaana u dambaysay toddobaadkan oo lagu arkay deegaanka degmada Qardho oo ka tirsan maamul goboleedka Puntland xuduudka Somaliland na u jirta in ka yar 30 kilomitir, halka laba toddobaad ka horna lagu sheegay magaalada Baydhabo ee Koonfurta Bari ee Soomaaliya.

 

Markii uu dhacay weerarkii lagu le’day ee suuqa Westage ee Nayroobi Kenya waxaa soo baxay in Samantha ay ka mid ahayd dadkii gudaha u galay suuqa, iyada oo masuuliyiinta Kenya qaarkoodna ku doodeen in ay ku dhimatay, laakiin Khubaradan sirdoon ee uu soo xigtay wargeyska Daily Mirror oo ka soo baxa carriga Ingiriiska ayaa sheegaya in afar toddobaad weerarkaas kadib Samantha lagu arkay Baydhabo, labad toddobaad kadib oo hadda ahna lagu arkay deegaanka Qardho ee Puntland iyada oo ay weheliyaan kooxo hubaysan oo ka tirsan ururka Alshabaab. Waxa aay sirdoonku tilmaameen in xogtan cusubi tahay mid kalsooni leh, “Ilo sirdoon oo uu wargeysku soo xigtay ayaa yidhi, “Labadan jeer ee la arkay ayaa la aaminsan yahay in ay yihiin labadii xogood ee ugu kalsoonida badnaa ee muddo bilo ah laga helo Samantha halka ay joogto” ayuu sheegay warkan oo uu wargeysku qariyey cidda uu ka helay.

Samantha oo dhalatay sannadkii 1983kii waxa ay diinta Islaamka qaadatay iyada oo 17 jir ah, sirdoonka reer galbeedku waxa uu ku naanaysaa Carmasha-Cad, waana hooyo ah Ingiiriis dhalad ah oo haysta afar carruur ah oo ay u dhashay Germaine Lindsay oo ahaa muslim asalkiisu ka soo jeeday dalka Jamaica, ahaana ninkii bishii toddobaad ee 2007da isku qarxiyey magaaladada London ee carriga Ingiriiska, laakiin muddadii dhimashada saygeeda ka dambaysay ayuun baa la ogaaday in ay xidhiidh dhow la leedahay Alqaacida, si kastaba ha ahaato ee muddadaas 5ta sano ah waxa ay gashay safara caalamiya oo aanay cidi garan, kadib markii ay wax weyn ka beddeshay muuqaalkeeda, waxa ay miisankeeda ka riidday in ka badan 12 kiiloogaraam, si joogto ah ayaa ay midabka timaheeda u beddeshaa , waxa aanay sirdoonku ka shakisan yihiin in xataa ay isku samaysay qalniin ay wax kaga beddelayso muuqaalkeeda lagu yaqaannay.

Sirdoonka Ingiriiska ayaa aaminsan in Samantha oo la baxday Shariifa ay tahay ruux halis ku ah ammaanka dalkeeda iyo dunida, “Khatarta Samantha waa xaqiiqo haddiidaad weyn ah” ayuu wargeyska Daily Mirror ka soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Ingiriiska oo aan magaciisa sheegin, waxa aanu intaas ku si idaray in uu rajo weyn ku qabo in goor ay noqotaba gacanta lagu soo dhigi doono Samantha.

Laakiin masuuliyiinta sirdoonka ee ku daba jira Samantha waxa ay ka baqo qabaan in sababta ay u timid deegaanka hadda lagu arkay ee Qardho oo magaalada Dhahar ee Jamhuuriyadda Somaliland u jira 39 kilomitir ay tahay in ay u socdaasho dhinaca dalka Yemen oo la aaminsan yahay in ay mar sii horreysay muddo la soo joogtay Alqaacidada dalka Yemen, gaar ahaan Imaamkoodii la dilay ee Anwar Alcawlaqi.

Gabadhan dunida oo dhami raadinaysaa, waxa ay baxsi ku jirtay muddo ka badan 2 sano sano oo ka dambeeyey markii lala xidhiidhiyey qaraxyo fashilmay oo sannadkii 2011ka loogu talo galay in lagu burburiyo hudheello iyo meherado ganacsi oo ku yaalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya. Weerarkaas oo fashilmay markii la qabtay Jermaine Grant oo ah khabiir walxaha qarxa sanceeya oo u dhashay dalka Ingiriiska  hawlgalkana kula jiray. Jermaine markii la qabtay waxa uu booliiskiisa u qirtay hawsha uu ku jiray iyo in ay kula jirtay gabadh lagu magacaabo Natalia oo ay dalka Kenya soo galeen iyaga oo qoys metelaya, waxaana markii dambe la ogaaday in Samantha ay dalka ku soo gashay baasaboorka dalka Koonfur Afrika oo ah been abuur uu ku qoran yahay magaca Natalia.

Samantha oo uu aabaheed ahaan jiray askari ka tirsan ciidamada Ingiriiska ayaa isla waqtiyadaa Nayroobi ay ku qabteen booliiska dalka Kenya, laakiin markii ay geeyeen xaruntooda si ay u waraystaan waxa ay ku qancisay in aanay ahayn ruuxa ay doonayaan waxa aanay tustay waraaqo sheegaya in ay cid kale tahay, sidaa awgeed booliisku waa uu sii daayey, saacado kadibna iyada iyo carruurteedu waxa ay ka baxeen magaalada Nayroobi, dhuumasho aan raadkooda la helin ayaanay illaa hadda ku maqnayd.

Sirdoonka reer galbeedku waxa ay Samantha ku eedaynayaan in ay tahay isu-duwaha ugu muhiimsan ee xidhiidhiya Alqaacidada dalka Pakistan iyo qaybta Afrika. Waxaana la aaminsan yahay in basaasiin ay reer galbeedku ku dhex leeyihiin ururka Alqaacida lacag aad u badan lagu siiyey in ay xogteeda soo helaan.