Muuse Biixi Oo La Kulmay Raysalwasaare-xigeenka Itoobiya

0
586

Picture4Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa la kulmay raysalwasaare xigeenka Itoobiya oo sidoo kalena ah xoghayaha guud ee xisbiga EPRDF ee haya talada Itoobiya.

Sidaas waxa cadeeyay xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE md. Xasan Siciid Yuusuf, oo ka mid ah weftiga guddoomiyaha, waxaanu warsaxaafadeedku u qornaa sidan:  “Shalay [doraad]  waxaa ka soo dagay gagida diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa gudoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye Mud. Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo Xoghayaha Guud ee Kulmiye Xasan Siciid. Masuuliyiintan ka socotay Somaliland ayaa lagu soo dhaweeyey protocol  qadarin leh.

Waftiga oo uu wehelinayo Safiirka Somaliland  Amb. Adan Nuux Dhuule waxay maanta xarunta dhexe ee xisbiga EPRDF kula shireen Raysal Wasaare-ku-xigeenka ahna Xoghayaha Guud ee xisbiga EPRDF Ethiopia Ato Demeke Mekannon kulankan oo qaatay mudo ku dhow laba saacadood ayey masuuliyiinta labada dal kaga wada hadleen: aqoonsiga somaliland nabad galyada horumarinta dhaqaalaha wax barashada iyo lskaashiga labada xisbi xaakim

Waftigu waxay u sharxeen raysal wasaare ku xigeenka in bulshada caalamka iyo dawladaha dariskaba ay dawlada Somaliland  wali ka sugayso aqoonsigii ay xaqqa u lahayd. Waftigu waxay sharaxaad Ka bixiyeen horumarka dhaqaale ee somaliland higsanayso inay waxbadan ka dhimantahay inta aanay toos ula macaami karin hay adaha dhaqaalaha aduunka.

Waxaa laga wada hadlay siday labada dal isaga kaashan lahaayeen nabad gelyada

Waxay labada dhinac ka wada hadleen sidii loo dadajin lahaa heshiisyada lagu hirgalinayo Berbera-Addis Corridor. Waftigu waxay u bandhigeen in Berbera Port awood u leedahay inay maamusho afar milyan oo metric ton (4000,000TM) sanadkiiba, marka laga reebo baahida Somaliland taas oo dabooli karta boqolkiiba sodon 30% baahida ethiopa ee takadeed.

Labada dhinaac waxay ka wada hadleen sii kordhinta deeqda waxbarasho ee Somaliland ka hesho Ethiopia iyo u fududaynta xaaladaha la soo gudboonaada ardayda.

In labada xisbi iska kaashadaaan  xaga siyaasada waayo aragnimada iyo tababarada.

Gunaanadkii waxaa  si guud la isla gartay  sii xooginta  iskaashiga dhinacyada badan ee laga wada hadlay iyo in labada xisbi sii adkeeyaan xidhiidhkooda.

SIXITAAN

Shalay war saxaafadeed aan ku bixiyey madaarka hargaysa waxaad moodaa in jaraa idka iyo websites ka qaarkood ay si qaldan u baahiyeen iyaga oo sheegay in kulmiye uu aqbalay shuruudihii ahaa inaan shanta sano ee soo socda waxba laga bedelin golaha dhexe gudida fulinta iyo hogaanka xisbiga. Arintaasi sax maaha. Shirwaynaha xisbiga oo kali ah ayaa awood u leh doorasha gudoomiyaha, ku xigeenada xog hayaha guud, iyo golaha dhexe, waa awood aanay cidkale faro galin Karin shirwaynaha ayeyna u taalaa. Hogaanku xisbigu ma faro galin karo awoodaha sharci ee shirwaynaha xisba. Marka shirwaynuhu hawshiisa dhamaysto Gudida fulinta waxaa magaacaba gudoomiyaha xisbiga waxaana ansixiya golaha dhexe iyadana sharcigaas baa loo marayaa.

Maalmaha kooban ee ka hadhay shirwaynahana gudoomiyaha xisbiga  ayaa awood u leh haduu wax ka badalayo iyo haduu sidooda u daynayo gudida fulinta iyo gudida qabanqaabada.”