Ingiriiska Oo Muwaadiniintiisa Uga Digay Inay U Safraan Somaliland Iyo Somaliya

0
626

Picture5Hargeysa(Geeska)-Dawladda Ingiriiska ayaa mar kale shalay muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan wadamada Somaliland iyo Somaliya, iyagoo ka digay cabdi argagixiso oo taagan.

Sida shalay oo ay taariikhdu ahayd 26 November lagu baahiyay barta ay wasaaradda arrimaha dibadda Ingirisku ku leedahay Internetka, “Xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranku wuxuu ku talinayaa inaan loo safrin Somaliya oo dhan oo ay ku jirto Somaliland. Muwaadiniinta Ingiriiska ah ee Somaliya ku sugani waa inay ka baxaan.” Ayaa lagu yidhi qoraalkaas, waxaanu xafiiska arrimaha dibadda ee Ingiriisku intaas raaciyay, “Waxa jirta khatar sare oo argagixiso oo ay ku jiraan afduub Somaliya oo dhan ah oo ay ku jirto Somaliland.”

Warsaxaafadeedku wuxuu si gaar ah u hoosta uga calaamadiyay khatar xidhiidhsan oo lagu weerarayo Muqdisho. Warkani wuxuu intaas raaciyay inay kooxaha argagixisadu abaabulayaan weeraro ka dhan ah reer galbeedka u shaqaynaya ururada reer galbeedka. “Xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranku wuxuu aaminsanyahay inay argagixisadu sii wadaan inay qorsheeyaan weeraro ka dhan ah reer galbeedka Somaliland ku sugan.”

Dawladda Ingiriiska ayaa hore Somaliland uga soo saartay digniin amni, laakiin tan iyo maalintaas uu Ingiriisku digniintaas soo saaray ma jiraan wax shilal ama weeraro ah oo Somaliland ka dhacay.

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo aanu isku daynay inaanu warkan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.