UCID Oo Kursi Ka Helay Dalada Ay Ku Bahoobeen Xisbiyada Hantiwaaga Dunidu

0
636

Hargeysa(Geeska)-Xisbiga UCID ayaa ku guulaystay inuu kursi goob-jooge ka helo dalad caalami ah oo ay ku bahoobeen xisbiyada hantiwadaaga ah ee caalamka.

Daladda loo yaqaano International socialists oo ay ku bahoobeen xisbiyada hantiwadaaga ee dunidu, ayaa waxa qoraal ay soo saareen ku cadeeyeen inay xisbiga  cadaalada iyo daryeelka ka aqbaleen codsigiisii ahaa xubin goob-jooge, maadaama oo uu ka soo jeedo dal aan dunida aqoonsi ka haysan.  “Mudane, guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxaanu si farxad leh kuugu xaqiijinaynaa in kulankii u dambeeyay ee ay Socialists International ku yeesheen magaalada Istanbul ee Turkiga 11-12 November 2013, la aqbalay in xisbigaaga la siiyo xubin goob-joogenimo. Waxaana la ansixin doona kulanka dambe.” Sidaas waxa qoraal uu u soo diray guddoomiyaha UCID ku yidhi  Luis Ayala oo ah xoghayahah guud ee Socialists International. Qoraala wuxuu ku taariikhaysanyahay 20 November oo ah bishan aynu ku jirno.

Dalada SI waxa ka mid ah xisbiyo ka kala socda in ka badan 120 dal, oo ay ka mid yihiin  Xisbiga Labour Party ee dalka Ingriiska, Xisbiga SPD ee dalka Jarmalka, Xisbiga Dawlig PvdA ee dalka Holland, Xisbiga SSDP ee dalka Sweden, Xisbiga dawlada CCM ee Tanzania, Xisbiga ANC ee Koonfurta Afrika iyo kuwo kale.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo qaraarka ka soo baxay daladan oo muhiim u ah guud ahaan Somaliland, gaar ahaan xisbiga UCID.