Faahfaahin Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxday Yemenigii Isku Gubay UNHCR Horteeda

0
497

nikiiHargeysa(Geeska)-Warar faahfaahsan ayaa ka soo baxaya wiilkii u dhashay wadanka Yemen ee Isniintii isku hor-gubay xarunta UNHCR ee Hargeysa duleedkeeda.

Wiilkan oo ah 25 jir ayuu magaciisu yahay Jihaad Maxamed, waxaanu ka mid yahay qaxoontiga Yemen ka soo qaxay ee jooga Somaliland.

Nabil Salim, Afhayeenka qaxootiga reer Yemen ee ku sugan Somaliland, ayaa weriye Barkhad Kaariye oo VOA ka tirsan u sheegay in sababta uu  Mr. Jihaad isku gubay tahay daryeel la’aan hasata.

Wuxuu afhayeenkani sheegay inaanay jirin cid Mr. Jihaad ehelkiisa ah oo ku sugan Somaliland. Wuxuu sheegay in UNHCR damaanad qaaday inay bixin doonto kharashaadka ku baxaya daawaynta dhibanahan dabka is qabadsiiyay, balse wuxuu sheegay in UNHCR diiday inay bixiso cuntadiisa iyo baahidiisa kale.

Ma jiro wax war ah oo ay UNHCR ilaa hadda ka soo saartay eedaymahan iyo ninkan Qaxoontiga ah ee dabka is qabadsiiyay.

Somaliland, ayaa waxaa ku nool dhawr kun oo Yemeniyiin ah, kuwaas oo isaga soo cararay dagaalada ka soconaya Koonfurta iyo Waqooyiga Yemen.