Muuse Biixi Oo Beeniyay In Madaxweyne Siilaanyo Ka Tanaasulay Murashaxnimada

0
455

Picture3Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa beeniyay warar soo baxay oo sheegaya in Madaxweynuhu ka tanaasuulayo Doorashada la filayo inay Sannadka dambe dhacdo. 

Guddoomiyaha Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, oo Shalay Shir jaraa’iid  qabtay ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay sida uu u arko Todobada Xubnood ee Komishanka , waxaanu tilmaamay inay yihiiin Masuuliyiin ka soo bixi kara hawlaha Doorashada, isla markaana ay iyagu xaq u leeyihiin oo Sharcigu siiyey wakhtiga la qabayo  Doorashada, waxaanu yidhi

“Doorashada dib u dhaceeda iyo xilliga la qabanayo cid ayuu Sharcigu siiyey, cidaas ayuun baa ka hadli karta, waana Komishanka Doorashooyinka, iyaga ayaa Sharcigu siiyey inay cayimaan Maalinta Doorashada la qabanayo, haddii ay soo hormarayso iyo haddii ay dib u dhacayso Komishanka ayaa awooda leh,anagu faragelin mayno, laakiin Xisbiga Kulmiye  iyo Xukuumaddiisu, waxa aanu caddeeynayna in wixii hawlo ahaa ee ku xidhnaa ee Doorashada ku saabsanaa waanu dhammaynay, haddii Sharcigii ay tahay waanu dhammaynay, Komishankii waa la magacaabay, Dhaqaalihii waa la sameeyey, markaas xagga Doorashada waxa anaga naga laabani ma jirto”.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa mar uu ka hadlaayey tanaasulkii la sheegay inuu Madaxweynuhu ka tanaasulay  Doorashada  Madaxtinimada soo socota, ayaa  yidhi “Shir aan joogay oo aan ogahay oo Madaxweynuhu ka tanaasulay arinkaas, ama uu goob kale ka sheegay haba yaraate warkaasi ma jiro, meel aan joogay oo arinkaas lagu soo qaadayna ma jirto,warkaasina waa war aan jirin, Odayguna muu odhan”.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay guddiga doorashada ee la soo xulay, waxaanu yidhi  “Xubnaha Sharciga ayaa  qeybiyey sida loo soo magacaabo, oo Saddex Madaxweynuhu soo magacaabo oo inta ugu badan, Labana waxa keentay qolada Guurtida, Labana waxa keenay Mucaaradka, waana sida ay ahaan jirtay, Dad mudakara oo Rag iyo Dumarba leh, oo badankooda aan wada garanayo, oo Masuuliyiin ah, oo hawshaas qaban kara weeye, waana ku kalsoon ahay.”