“Dalku Badbaado Ayuu U Baahanyahay. Waxaan Dadka Somaliland Ku Boorin Lahaa In Ay Isbedel Sameeyaan, Sababto Ah Masiirkoodii Meel Cidhiidhi Ah Ayuu Ku Jiraa”

0
508

Picture4Hargeysa(Geeska):-Siyaasiga caanka ah ee  Siciid Sulub Maxamed oo hore u ahaan jiray Wasiirkii Hawlaha Guud iyo Guryeynta Xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin ayaa sheegay in Xukuumada hada talada dalka haysa ee uu gadhawadeenka ka yahay Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) aanay ku talo galin in ay Aqoonsi ay u raadiso dalka,waxaana uu sida oo kale uu ku eedeeyey in aanay daacad ka ahayn madaxbanaanidaSomaliland.

Md:Siciid Sulub Maxamed ayaa hadalkan ku sheegay waraysi uu siiyey Idaacada madaxabanaan Radio Hilaac,waxana uu sida oo kale uu tibaaxay in mudadii ay Xukuumadani talada dalka ay haysay xooga saareen sidii ay u urursan lahaayeen Lacago fara-badan isla mar ahaantana ay indha dadka ku jeediyaan ayaa uu yidhi in ay waxqabad uga dhigaan wadooyinka ay sameeyeen. "Cidiba waxbaa ay culayska saaraysay Dawladihii horena waxaa ay culayska saarayeen amniga iyo ciidamada Qaranka oo la dhiso iyo maamul fidin in maamulka xuduudaha dalka la gaadhsiiyo oo ku xidhan Aqoonsiga ama shuruudaha Aqoonsiga ayey culayska saari jireen,waxaa ay culayska saarayeen Caalamka in ay ka dhaadhiciyaan qadiyada Somaliland oo wakhti badan ku lumo oo dhaqaale badan ku lumo si laynoo aqoon sado.Dawladani waxaa ay culayska saartay sidii ay lacag badan u urursan lahayd iyo haddii waxqabad la yidhaahdana waddooyin badan oo ay dhagax dhigeen oo ay bilaabeen oo ay indhaha dadka si ay isaga jeediyaan ay ku bilaabeen ama ay waxqabad ku tilmaameen markaa waxaa inagu soo xidhmay Albaabadii dibada iyo ku wii gudahaba,kuwa guduhu waxa weeye maamul fidintii waa ay istaagtay bil caksi waa ay soo ururtay dalkiiyo dhul maamulkeenu uu gaadhay ayaaba dib looga soo noqday ama laysku haystaaba imika isla markaa waxaa dhacay markii ugu horeysay Somaliland dhawr iyo Labaatan sanadood ee ay gooni u taagnayd ayaa calan kale oo calankii Somaliland aan ahayn dhulkii Somaliland laga taagay oo dawlad kale iyo maamul kale la leeyahay waa laga dhisay,dibadana waad ogtahayoo iska dhaaf caalam kaloo Yurub iyo Maraykan oo aynu xidhiidh wacan la lahayn  iska dhaaf ku waas Jiiraan keenii ayaa iyaguna Albaabadeenii inaga xidhay o aynu kala shakinay markaa waxa weeyaan taasi waxaa ay ku soo ururaysaa macnaheedu Xukuumadan maanta jirtaa in aanay diyaar u ahayn ama aanay ku talo galin in ay Aqoonsiba ay raadiso ama gooni isu taaga Somaliland aanay daacad ka ahayn ayaa ay taasi caaynaysaa"Ayuu yidhi Md:Siciid Sulub Maxamed. Wasiirkii hore ee Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland Md:Siciid Sulub Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sida oo kale sheegay dalku maanta u baahan yahay badbaado qaran,waxaana uu shacabka reer Somaliland uu u soo jeediyey si ay badbaadiyaan masiirkooda oo uu sheegay in uu meel cidhiidhi ah uu galay. "Walaahi waxaan anigu isleeyahay Illaahay ha idiin sahlo,bisinkaan u hayaa dalka haday gudo tahay iyo haday dibad tahayba muddo dheerna sidan ku sii jiri kari mayno dalku badbaado ayaa uu u baahan yahay,talo ayaa uu u baahan yahay dawlad iyo shiciba laga midaysan yahay.Markaa dawladani waxaa ay u muuqataa mar haddii aanay talo guud oo caama aanay u baahnayn oo mushaakilka maanta lagu jiro ee Siyaasiga ah ee arrimaha gudaha iyo dibada ah ay ku xaliso,waxaa loo baahan yahay dadka haddii la odhan lahaa muddo dhaw ha la tashado Doorashadiibaa dhaw,markaa waxaa uun aan odhan lahaa oo aan dadka reer Somaliland ku boorin lahaa in ay isbadal sameeyaan sababta oo ah Masiirkoodii meel cidhiidhi ah ayaa uu ku sii jiraa.Markaa dadku in uu isbadal uu sameeyo oo dhawrkaa bilood uu isbadal ku sameeyo ayaa ii muuqata”Ayuu yidhi Siyaasi Siciid Sulub Siyaasi Siciid Sulub Maxamed waxaa uu sida oo kale uu intaasi ku daray“Dawladan imika jirtana iyada oo aan cadaadis,cidhiidhi iyo isqabsi aan loo baahnayn in aan ku samayno,haddii ay doorashada inoo qaban waydana qasab ayaa ay noqonaysaa in laga tashado sababta oo ah dalkii meel mugdi ah ayaa uu ku sii socdaa waliba jiritaankeenii iyo masiirkii ay umaddu u soo halgan tay arrintii gudahana aynu dhisaynay in ay umadd gooni u taagan aynu noqono,dee waad aragtaayo Xasan Sheekh ayaa sheeganaya dadka iyo dalkaba,Waraaqihii ama shuruucdii uu dalku lahaayoo dhanba in la burburiyo oo Xamar waxwalba laga soo qaato ayaa uu kalifayaa oo waxyaabo badan oo imika Xamar ku xidhmay oo dawladani dabcisayna waa ay jirtaa.Markaa in ay umaddu ay u sabirto haddii ay doorasho qabanayaan haddii ay qaban waayaana laga tashado ayaan anigu ku talinayaa". Sida oo kale Md: Siciid Sulub Maxamed waxaa uu sheegay in aanay jirin wax Allaale iyo wax guul ah oo laga gaadhay wada-hadaladii baryahan danbe u socday Somaliland iyo Somaliya,waxaana uu carabka ku dhuftay in muddooyinkii kala duwanaa ee ay socdeen wada-hadaladaasi aan illaa hada laga hadlin qadiyada Somaliland,isaga oo sida oo kalena tilmaamay in aan dawlada martigalinta u ah wada hadalkaasi aanay ahayn mid dhex dhexaad ka ah wada-hadalada u socda Somaliland iyo Somaliya.

"Wax Allaaleh iyo wax guul ah oo laga gaadhay wada hadaladu ma jiraan,wuxuunbaa ay albaab u fureen in ay dabciyaan oo la dabciyo qadayadeenii gooni isutaaga ahayd ee aynu aduunka Ictiraafka ka doonaynaynay lagamana wada hadal qadiyada Somaliland muddaas dheer ee Lix fadhi ama in kabadan oo qaar Ingiriiska lagu galay mar qudha qadiyada Somaliland lagama wada hadlin,waxyaabo iska sadxi ah oo iska sheeko caruureed ah oo Hawada iyo Badaha iyo kamid yihiin ayaa laga hadlay waxiina waa ay wada beeniyeen reer Koonfureedku markaa sabab ay waxaasi u sii socdaan ma jiraan,Turkigana uma arko da dhex dhexaadin wada ee dal dhinaca ayaan u arkaa waana uu cadeeyey oo isagu waxaa uu yidhi midnimo ayaan ku shaqaynayaa"Ayuu yidhi Md:Siciid Sulub Maxamed Ugu danbayntiina Md:Siciid Sulub Maxamed waxaa uu ka hadlay arragtidiisa ku aadan wararka muddooyinkii danbe soo baxaayay ee sheegayey in Madaxweyne Siilaanyo uu Xubno ka mid ah Wasiiradiisa iyo dadka ugu dhaw dhaw u soo bandhigay in aanu is sharaxi doonin Doorashada 2015-ka ee la filaayo in ay dalka ka dhacdo. "Horta warkaas Warbaahinta ayuun baa u soo gudbiyey bulshada,waxaana la sheegayaa in ay ahayd arrin gaar ah oo dad gaar uu Odaygu kala tashaday ama u sheegay dee markaa haddii uu Madaxweynuhu uu go'aan saday in aanu sanadka soo socda aanu is sharaxin dee waxaa ay ila tahay aniga arrin macquul ah oo isaga qiimo u kordhinaysa sababta oo ah waxaa aynu arki jirnay oo Daahir Rayaale oo kale lagu amaanayey markii doorashada laga helay in uu si gobanimo leh uu Xilkii u wareejiyey,Axmed Siilaanyana haddii dee isaga oo duruufaha dalka ka jiray iyo hawlahu sida ay yihiinba  iyo waliba da'adiisa haddii uu waxaas oo dhanba uu qiyaaso oo uu yidhaahdo anigu waxaan jecelahay in aan nasto ee bal haddii cid i dhaanta la helaayo ha la soo saaro dee waa arrin macquul ah weeye anigu se mana rumayn karo mana beenin karo."Ayuu yidhi Siyaasi Siciid Sulub Maxamed