Musharax Khadar Bohosha Oo Muujiyay Awoodiisa

0
606

 

Picture2Hargeysa, (Geeska)- Musharax Khadar Xuseen Cali-Ilis (Khadar Bohosha),oo ka sharaxan ururka RAYS ayaa shalay soo bandhigay dad badan oo uu ku muujinayo awoodiisa taageero ee uu caasimadda ku leeyahay.

Musharax Khadar Bohosha oo taageerayaashiisa iskugu keenay garoonka Xawaadle, ayaa boqolaal ka  dad ah kala hadlay fagaarahaasi, waxaanu sheegay in haddii xildhibaan golaha deegaanka ah loo doorto  uu wax badan ka qaban doono caasimadda.

Musharax Khadar Bohosha oo taageerayaashiisa la hadlayey waxa uu yidhi “Waxa nasiib wanaag ah in garoonkii Xawaadle oo aan yaraantaydii ku ciyaari jiray, isla markaana ka mid ahaa ciyaartoygii hirgaliyey garoonkan in anigoo musharax ah aan ka khudbadeeyo waa alla mahaddii, waxaan rajaynayaa inaad codka I siisaan, sidii aan magaaladda wax ugu qaban lahaa, waxaana balan idiinku qaadayaa in aan hantidiina idiin ilaalinayo inaad heshaan garoomo aad ku ciyaartaan, in magaaladda Hargeysa ka mid noqoto magaalooyinka aduunka ugu quruxda badan, waanan hubaa haddii aad codkiina Isiisaan inaad wax badan ka qaban doono, sow codka I siin maysaan, waxaan idinka rajaynayaa in maalinta codka aad sidan iyo si ka balaadhan aad igu soo bixi doontaan oo codka I siin doontaan”ayuu yidhi.

Musharaxu waxa kale oo uu taageerayaashiisa u sheegay in aanu qabiil soo diran, qabiilna cod aanu ka rabin ee uu shacabka magaalaadda Hargeysa cod ka rabo, isla markaana dar ilaahay ugu codeeyaan.

Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Ee Ururka Rays  CabdiRisaaq Ismaaciil Maxamed (Kildhi) iyo  Xog-Hayaha Guud Ee Urur Siyaasadeedka Rays Cabdiqaadir Xuseen Yuusuf, ayaa iyaguna la hadlay taageerayaashiisa,waxaanay  ka codsadeen inay awoodda ay muujiyeen ugu codeeyaan, iyagoo tilmaamay in goobihii ay soo mareen ay garoonka Xawaadle yihiin ka ugu taageerayaasha badan, sidaa darteed aanay codka kala bakhaylin maalinta cod bixinta si uu magaaladiisa wax ugu qabto.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiinta u qaabilsan musharaxa xaga ololaha, kuwaas oo u mahadceliyey sida qiimaha leh ee ay ugu soo baxeen dadweynuhu musharaxan Khadar, isla markaana ku booriyay inay maalinta codkana si weyn ugu soo baxaan oo aanay ka daalin inay codka siiyaan.

Intaas ka dib waxa musharax Khadar Bohosha ay ku wareegeen jidadka magaaladda Hargeysa, iyagoo baabuurta ku xidhay sameecaddo waaweyn oo ay ka baxayaan heeso u gaar ah musharaxa,kuwaas oo taageerayaashiisuna si weyn u muujiyeen siday ugu heelan yihiin inay soo saaraan musharaxan dhalinyarada ah, waxaanay lug ku tageen musharaxa iyo taageerayaashiisa qaar ka mid ah xafiisyadoodda.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha gobolka Hargeya ee ururka RAYS Cabdirisaaaq Kildhi oo uu wehelinayo Xoghayha guud ururkaasi Cabdiqaadir  Xuseen Yuusuf, ayaa xadhiga ka jaray xafiisyo badan oo uu ka mid yahay xafiisyo uu furtay Musharax KHadar Xuseen Cali (Bohosha)