Masuul Ka Jawaabay Warbixin Lagu Eedeeyay

0
464

 

Picture3Hargeysa(Geeska)-Agaasimaha maamulka komishanka ka hortagga AIDS-ka Cabdikariim Yuusuf Xinif, ayaa ka jawaabay warbixin uu magaciisu ku jiray oo ay soo saareen Guddioga dabo galka iyo habsami u socodka doorashada,oo ay ku sheegeen inaan shaqaalaha dawladda loo oglayn inay u loleeyaan xisbi gaar ah.

 

Mr.Xinif, oo shalay shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa, wuxuu sheegay inaanu ahayn shaqaalaha dawladda ee uu sharcigu qabanayo,  “Guddidu waxay yidhaahdeen waxa jira masuuliyiin dawladda ah oo ku milmay xisbi, anigu maan fahmin arrintaasi. masuuliyiintu xisbi bay ka mid yihiin, waana waajib saaran inay xisbigooda u ololeeyaan, kuwa ololaynayaa waa kuwee inay taasi kala caddeeyaan, waxaanay ahayd inay yidhaahdaan shaqaale dawladdeed oo taasi aniga u odhanaya,”ayuu yidhi Agaasimaha Maamulka Komishanka ka hotrtaga AIDS-ka C/kariim Yuusuf (Xinif).

Mr. C/Kariim Xinif waxa uu intaasi ku daray “Xeerka shaqaalaha dawladdu anniga oo kale ima qabanayo, marka laga hadlayo shaqaale dawladeedna illaa madaxweynuhu waa shaqaale dawladdeed. Laakiin waxa jira wax lagu kala saaro oo ah darajooyin ay shaqaaluhu leeyihiin, taasi oo lagu siiyo guno marka ay hawl gabaan, balse annaga oo kale masuuliyiin markaanu nahay waxa la diiday in lanaga jaro 1% oo shaqaalaha laga jaro, lana siiyo marka ay hawl gab noqdaan.”

Isago hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Markaa aan anigu maanta ka tago halka aan hayo ma yeelanayo lacagtii gunada ee hawlgabka marka uu qofku meesha ka tago la siinayey,”ayuu yidhi C/Kariim Xinif.

C/Kariim Xinif waxa uu sheegay inuu ka mid ahaa aasaaseyaashii xisbiga KULMIYE isla markaana aanu cidna u dabo fadhiisanayn inuu u ololeeyo xisbigiisa.